Advertisements

Madaxweyne Shariif oo si kulul jawaab uga bixiyay Lacag la shegay inay dowladda lunsatay ….

undefinedHalkaan ka akhri

WELI MAMAQASHAY ABWAAN MAXAMED GACAL XAAYOW OO HEESAYA

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa jawaab kulul ka bixiyay warar maalmahaan soo baxayay oo ay baafineysay mid ka mid ah idaacadaha gaarka loo leeyahay kana howlgasha magaalada Muqdisho, wuxuuna Madaxweyne Shariif sheegay inuusan isagu wax hanti ah ka lunsan dowladdii mudadii uu xilka ka hayay.

Sheikh Shariif oo ka hadlayey arrintaas wuxuu yiri: “Ma jirto lacag la lunsaday, hadii caddeymo heysana waa inay miiska soo saartaa” wuxuuna sheegay in dacaayadaha isaga ka dhanka ah ee idaacadaasi laga sii daayo aanu u dulqaadan doonin, wuxuuna tilmaamay Madaxweynaha haddii uu isagu wax lunsanayo in xukuumadu aanay intaani soo gaarin oo mar hore ay burburi lahayd.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in wararkaasi ay faafiyeen kuwo dacaayad meel fadhiya isla markaana aan waxna ku tarin xukuumadda, haddana ay ku sii darsadeen dacaayad iyo warar ay ku jaha wareerinayaan shacabka.

Madaxweyne Shariif oo mar kale ku celiyey ragga dicaayada meel la fadhiya wuxuu yri: “Inaan u jawaabo kuwa wararka beenta ah faafinaya ayay ahayd, balse waxaan dareensiinayaa bulshada la khaldayo ee wararka beenta ah lagu dhex faafinaayo”, wuxuuna sheegay in cidii wax tartay Dowladda KMG ah oo kaliya ay kula xisaabtami karto meeshii aan marinay hantidii ay dowladda ku tabaruceen.

Ugu danbeyntii  Madaxweynaha Dowladda KMG Shariif Sh. Axmed ayaa ku booriyay Golaha Wasiirada cusub inaysan dheg u dhigin dacaayadaha raqiiska ah ee ay la meereysanayaan kuwo facood ka haray ee ay howshooda u gutaan si daacadnimo iyo wadaninimo leh isla markaana mudada halka sano ah ay ku dhameystiraan howlaha xukuumadda horyaalla.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo weli ku sugan goobihii ay shalay kala wareegeen kooxda Al-Shabaab.

——————————————————————————-

Daawo sawirada dagaalka Suuq Bacaad iyo Siinaay.

——————————————————————————–

Daawo Sawirada Jidka Soddonka dagaalkii ka dib.

——————————————————————————–

Daawo sawirada dagaalka degmada Wardhigleey.

————————————————————————————-

Sheikh Shariif oo goobjoog ka ahaa xaflad lagu dhaarinayay Golaha Wassirada cusub.

Advertisements
%d bloggers like this: