Advertisements

Dhawaaqa madaafiicda oo xalay laga hurdi waayey Muqdisho iyo dagaallo goos goos ah oo maanta ka socda qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

WELI MAMAQASHAY ABWAAN MAXAMED GACAL XAAYOW OO HEESAYA

Waxaa maanta  laga maqlayey aagaggii shalay dagaalada ka dhaceen rasaas teel teel ah oo ay isweydaarsanayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-Shabaab, hase ahaatee goobaha laga maqlayey Rasaastaas waxaa ka mid ahaa  isgoyska Xamar Jadiid, Isgoyska Towfiiq, iyo qeybo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in aagaggii ay shalay la wareegee ciidamada ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay weli halkaas ku sugan goobahooda, halkaasi oo ay ciidamadu ka sameysteen baro ciidan iyo dhufeysyo hor leh, waxayna si weyn u adkeeyay ammaanka iyo dhaqdhaqaaqyada xaaladda nabadgelyo ee degaanadaasi.

Balse Ciidamada xarakada Al-Shabaab ayaa la sheegay inay iyana ku sugan yihiin xaruntii hore ee Stadium Muqdisho, jidka warshadaha ilaa Warshadda Baastada, kuwaasi oo iyagu xalay Muqdisho ka waday dhaqdhaqaaqyo xoog leh oo ay isugu diyaarinayaan inay weeraro dhowr jiho ah ku soo qaadaan ciidamada Dowladda KMG ah.

Waxaa kaloo lagu soo warramayaa  in gurmadka ciidamada Al-Shabaab uu aad ugu hooseeyo marka loo eego xilliyadii hore oo inta badan ka duwan tahay xaaladdii shalay ku qabsatay magaalada Muqdisho, kaddib markii weeraro abaabulan ay ku qaadeen ciidamada Dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayna kala wareegeen fariisimooyin dhowr ah oo Muqdisho ay ku lahaayeen.

Si kasta ha ahaatee rasaastii goos gooska ahayd ee ay maanta isweydaarsanayeen ciidamada iyo kuwa xarakada Al-Shabaab ma jirto cid wax ku noqotay marka laga reebo dhinacyada dagaalamaya oo iyagu dhaawacyo ay soo gaareen, waxaana xalay sidoo kale Muqdisho hareeyay madaafiicda ay isweydaarsanayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa xarakada Al-Shabaab oo iyagu xalay sidoo kale weeraray fariisimo ciidamada Dowladda ay ku lahaayeen degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo weli ku sugan goobihii ay shalay kala wareegeen kooxda Al-Shabaab.

——————————————————————————-

Daawo sawirada dagaalka Suuq Bacaad iyo Siinaay.

——————————————————————————–

Daawo Sawirada Jidka Soddonka dagaalkii ka dib.

——————————————————————————–

Daawo sawirada dagaalka degmada Wardhigleey.

————————————————————————————-

Sheikh Shariif oo goobjoog ka ahaa xaflad lagu dhaarinayay Golaha Wassirada cusub.

Advertisements
%d bloggers like this: