Advertisements

Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo weli ku sugan goobihii ay shalay kala wareegeen kooxda Al-Shabaab.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

WELI MAMAQASHAY ABWAAN MAXAMED GACAL XAAYOW OO HEESAYA

DAAWO SAWIRADA HOWLGALADA CIIDAMADA

Xaalalada goobihii ay shalay dagaallada ka dhaceen ayaa daggan saakay, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin meellihii ay shalay kala wareegayn kooxda Al-Shabaab.

Mid kamid ah dadka ku sugan xaafada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in xaalada Suuqa ay dagan tahay isla markaana  aysan jirin wax dagaal toos ah oo saakay jira.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay goob joogahaasi in kooxda Al-Shabaab ay xalay weeraro kusoo qaadeen agagaarka shirkadda Nationlink oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, balse dib loo celiyay.

Gaashaanle sare C/laahi Cali Caanood ayaa sheegay in aysan jirin wax dagaal ah, balse ay soconayaan howlgallada dalka looga xuraynayo kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin meellihii ay shalay ka xoreeyeen kooxda Al-Shabaab oo ay kamid tahay guddaha Suuqa Bakaaraha, isgoyska Cali Kamiin, Suuqa Bacaad, Siinaay iyo qaybo badan oo kamid ah wadada Sodonka, waxaa uu intaa ku daray in ay dhaq dhaqaaqyo ciidan  ay ka jiraan dhinaca isgoyska Cali Kamiin oo ay si buuxdo gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo weli ku sugan goobihii ay shalay kala wareegeen kooxda Al-Shabaab.

——————————————————————————-

Daawo sawirada dagaalka Suuq Bacaad iyo Siinaay.

——————————————————————————–

Daawo Sawirada Jidka Soddonka dagaalkii ka dib.

——————————————————————————–

Daawo sawirada dagaalka degmada Wardhigleey.

————————————————————————————-

Sheikh Shariif oo goobjoog ka ahaa xaflad lagu dhaarinayay Golaha Wassirada cusub.

Advertisements
%d bloggers like this: