Sheikh Shariif oo goobjoog ka ahaa xaflad lagu dhaarinayay Golaha Wassirada cusub.

DAAWO SAWIRADA CUSUB

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa Maanta Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ka dhacday xaflad  lagu dhaarinayay Golaha Wassirada  dowladda KMG Soomaaliya, waxaa xafladdaas  goobjoog ka ahaa Madaxweyne Sheikh Sharif. Sh. Axmed.

Sidoo kale waxaa Xafladaas ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Brlamaanka Mudane Shariif Xassan Sh. Adan, Mudane RaisulWasaare C/Weli Maxamed Cali, xildhibaano iyo xubno ka tirsan Bulshada Rayidka ah.

Waxaa xafkadda dhaarinta khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya  wuxuuna sheegay Wasiirada cusub in Howlaha horyaalo ay adag yihiin, waqtiguna aad uu u yar yahay, balse howlahaas oo dhan la doonayo in lagu dhameystiri muddada Sanadka ah.

Dhanka kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya ay ku habsady Abaarihii ugu xumaa abid, waxaana la doonayaa in dhibaatadaas la xaliyo.

Hase yeeshee Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in howlihi amni sugida ay dib u bilowdeen lana sii wadayo ilaa Alshabaab iyo Al-Qeada laga cirib tiro dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: