WFP oo diyaarado gargaar wada soo gaarsiiyeen Dadka ku soo qaxay Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

Howlwadeenada  Hay’adda  cunada aduunka (WFP) ayaa waxay faah faahin ka bixiyeen raashin gar-gaar oo maanta ay soo gaarsiiyeen magaalada Muqdisho, kaasi oo loogu tala galay in wax loogu qabto dadka ku tabaaleysan Somaaliya.

Garoonka Diyaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa  waxaa maanta ka soo dagaya diyaarad u kiraysan WFP oo siday gar-gaar loogu tala galay dadka ay saameeyeen abaaraha ayaa arimahaasi waxaa ka hadlay mid ka mid ah Mas’uuliyiinta WFPoo lagu magacaabo Marck Donar.

TV Al Jaseera ayaa waxaa waraysi dhinacyo badan taabanayay siisay Mrs. Marck Donar waxayna faah faahin ka bixisay in diyaaraddii maanta ka soo dagatay Magaalada Muqdisho ay ugu talageen dadka abaaraha uga soo cararay gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale haweenaydaasi ayaa waxay sheegtay in tirada Caruurta iminka ku nafaqo daraysan Soomaaliya ay gaarayaan in ka badan 25-kun oo caruur ah, iyadoo xustay in maalin waliba Magaalada Muqdisho ay soo galaan qoysas sita Caruur farabadan oo lagala soo cararay abaaraha ka jira gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Hay’adda WFP ayaa waxay sheegtay in dadka ay haatan abaaruhu ku haystaan Soomaaliya ay gaarayaan 2.2-Milyan oo qof, iyadoo sheegtay in Soomaaliya ay tahay meesha ugu daran oo ay shaqaalahooda ka howlgallaan, waxaana ay carabka ku dhufatay in WFP ay ka go’antahay inay gar-gaar u fidiso dadka u dhimaya macluusha ee ku sugan Soomaaliya.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: