Dagaalkii Muqdisho oo dib u bilowday iyo Ciidamada Dowladda oo la wareegay Xararyaalle, Siinaay,Suuq Bacaad, Baar Ayaan iyo qeybo kale ..

undefinedHalkaan ka akhri

 

 

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow weerar saf ballaaran oo ay ku qadeen qeybo ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho oo ay  ku sugnaayeen Maleeshiyaadka xarakada Al-Shabaab, waxay si toos ah ula wareegeen, isgoyska Wardhigleey, kan Siinaay, qeybo ka mid ah Suuq bacaad iyo inta badan wadada Sodonka ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee howlgalkaan waday ayaa wariyayaasha u sheegay iyagoo ku sugan jiidda hore ee dagaalka in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen, Isgoysyada Florenza, Kan Siinaay, Baar Ayaan, isla markaana si toos ah ula wareegeyn goor dhow xaafadaha Suuqbacaad badankood,  Towfiiq iyo deegaanno kale oo qaarkood uu weli ka socdo dagaalka iyadoo ay si wada jir ah uga qayb qaadanayaan dagaalkaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ciidamda dowladda ayaa bilowgii hore ee dagaalka gacanta ku dhigay Isgoyska Wardhigley ee Florenza, Siinaay, Baar Ayaan iyo qeybo ka mid ah degmooyinka Shibis iyo Yaaqshiid ah, waxayna ku goodiyeen saraakiisha Soomaaliyeed ee hogaaminaysa dagaalka iney goor dhow  gudaha u geli doonaan xarunta Isbartiibadda weyn ee Muqdisho.

Saraakiishaan ayaa saxaafadda u sheegay in hadafkooda ugu horeeya dagaalka maanta bilowday uu yahay inay gacanta ku dhigaan, inta badan qeybaha magaalada Muqdisho, isla markaana u dhacaan taliska weyn ee ee Al-Shabaab hadda ku leeyihiin Muqdisho gudaheeda oo ah Stadium Muqdisho.

waxyaabaha ku soo kordha si deg  deg ah ayaan idin kugu soo gudbineynaa Insha Allah.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: