Advertisements

Bulshada Muqdisho oo u riyaaqay guulaha ciidamada dowladdu gaareen.

undefinedHalkaan ka akhri

Bulshada ku dhaqan magaalada muqdisho ayaa u riyaaqay guulaha ay gaareen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale dadka ku dhaqan  deegaannada ay wali gaarin howlgalka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sheegaya in meleeshiyoonka Xarakada Al-Shabaab ay isaga sii baxeen deegaanno ka mid ah Suuqa Xoolaha.

Balse qaar ka mid dadka ku nool suuqa xoolaha ayaa Warbaahinta u sheegay in maleeshiyada xarakada Al- Shabaab ay la baxeen dhammaan waxyaabihii ka yaalay deegaankaasi sida gaadiidka iyo Hubka yar ee  haray oo aysan awoodin in ay ku sii dagaallamaan.

Dadka deggan degmada Huriwaa ayaa Idaacadaha Maxalliga ah u sheegeen in bulshada ku dhaqan deeganka nawaaxiga Huriwaa ay isku diyaarinayaan sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen ciidamada Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: