Advertisements

Xiisado colaadeed oo ka Jira deegaano hoostaga degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

undefinedHalkaan ka akhri

 

SaanSaan iyo Xiisado dagaal oo u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab iyo Maleeshiyaad hubaysan ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay ka jirto deegaano hoostaga degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Wararka naga soo gaarayaa degmada Jowhar ayaa sheegay in deegaanka Cad-caddey oo hoostaga ee gobolka Sh/dhexe ay saakay ilaa xalay  ka jirtay xiisad dagaal oo u dhaxaysa Ciidamo ka tirsan Al Shabaab iyo dadka deegaanka ah.

Xiisadahan ayaa bilowdeen kadib markii Maamulka Al Shabaab ee gobolkaasi uu amaro kusoo rogay dadka deegaanka ah kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen in qoyskasta laga helo hal wiil oo ka qeyb qaata dagaalada Al Shabaab ay ka wadaan Soomaaliya hadii laga waayana uu qoyskastaa bixiyo labo neef oo geel ah taasi oo keentay in dadka deegaanka ay ka biya diidaan oo ay is hubeeyaan.

Sida lagu soo warramay in Maleeshiyaad ka soo jeeda deegaanka ay bilaabeen inay hubkooda la soo baxaan si ay isaga difaacaan Xarakada Al Shabaab, waxaana saakay ilaa xalay hakad ku jira goobihi ganacsiga kadib markii deegaankaasi ay isku horfariisteen Maleeshiyadka iyo Ciidamada Al Shabaab. 

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ah oo Warbaahinta la soo xiiray ayaa waxay shegeen in xiisadahani cabsi iyo baqdin ay ku abuurtay dadkaasi kuwaasi oo la daalaa dhacayay abaaraha ku dhuftay deegaandooda.

Hase yeeshee ilaa haatan ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Maamulka Al Shabaab ee gobolka Sh/dhexe oo ku aadan xiisadahan, balse lama oga sida ay ku dhammaan doonto xiisadaha ka taagan ixo xaaladda dadka deegaanka Cad-Caddey.

SomaliSwiss    Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: