Advertisements

Ra’isal wasaare C/wali oo xilkii Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska markale u magacaabay Maryan Aweys Juma.

undefinedHalkaan ka akhri

Ra’isal Wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa markale magacaabay xilka Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, kaasoo todobaadkii hore loo magacaabay Caasho Cismaan Caqiil.

Magacaabistii Caasho Cismaan Caqiil kadib ayaa waxaa ay nafteeda halis ku gashay kadib markii degmada Balcad oo ay ku sugneyd xilliga la magacaabayay ay ku qabteen kooxda Al-Shabaab.

Arrinkan ayaa ka dambeysay kadib markii Waxgaradka, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Beesha Shanaad oo xilkaas qaabka awood qeybsiga ee 4.5 uu ugu soo aaday ay soo xusheen shaqsiga ay ku bedeleen Caasho Cismaan Caqiil.

Ra’isl Wasaare C/weli ayaa xilka Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska u magacaabay Drs. Maryan Aweys Juma oo la dhalatay Wariyaha Laanta Afka Sawaaxiliga iyo Afka Soomaaliga BBC-da Daa’uud Aweys.

Wareegtada uu ku magacaabay Ra’isal Wasaaraha Maryan Aweys ayaa waxaa aqbalay Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed oo la gaarsiisay, kadib soo jeedin ka timid Beeshii xilkaas laheyd oo soo gudbisatay xubinta loo magacaabayay jagadaasi.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: