Advertisements

Hay’adda Cunada Adduunka ee (WFP) oo maanta diyaarado wada gargaar ka soo dejineysa magaalada Muqdisho iyo meelo kale.

undefinedHalkaan ka akhri

Hay’adda Barnaamijka Cunta Adduunka (WFP) ayaa sheegatay in maanta Gegida diyaaradaha ee magaalda Muqdisho ay ka soo degi doonaan ilaa toban diyaaradood oo ay leedahay Hay‘âdda Barnaamijka Cuntada Adduunka, Diyaaradahaas oo wada  shixnado gargaar ah waxaa la filayaa inay in saacadaha soo socda ay ka soo degaan Garoonka magaalada Muqdishoiyo qaar ka mid ah gobolada dalka, waxayna diyaaradahaasi ka soo kictimaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Warar  lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in saakay ay ka socoto qabanqaabo iyo diyaar garow diyaaradahaasi ay ugu kictimayaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood.

Sidoo kale diyaaradahan oo ay soo kireysatay Hay’adda WFP ayaa waxay duulimaadyo ku sameynayaan goobaha ay ka taliyaan Dowladda KMG ah iyo xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca ee magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.

Hase yeeshee Xamuulka mucaawinooyinka ah ee diyaaradahan ay wadaan ayaa la sheegayaa inay ka kooban yihiin raashin, nafaqada caruurta, daawooyin iyo agab kale oo loogu talagalay dadka ay abaaraha ku habsadeen ee degan Koonfurta dalka Soomaaliya, kuwaasi oo gaajo iyo macluul darteed ugu geeriyoonaya goboladaasi.

Si kasta ha ahaatee Hay’adda Brogaraamka Cuntada Adduunka (WFP) ayaa gargaarkan ay diyaaradaha ugu daabuleyso gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna jawaab u yahay baaqyo iyo qeyla dhaan laga muujiyay xaaladda abaaraha ee ka jira Koonfurta dalka Soomaaliya inay ka sii darayaan haatanna loo baahan yahay in si degdeg ah loogu gurmado.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: