Advertisements

Mr. John O’Shea oo ah Madaxa Golaha ammanka Qaramada Midoobay oo ka soo horjeestay in ciidamo ka socda QM loo soo diro Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Mr. John O’Shea oo ah Madaxa gudiga fulinta golaha ammanka ee Q,M ayaa si weyn uga soo horjeestay in ciidamo nabad illaalin ah oo Q,M ka socda loo soo diro Soomaaliya si ay wax ula socdaan in gar gaarka beesha caalamka ugu talo gashay Soomaaliya ay si sax u gaartay iyo in kale.   

Sidoo kale Mr. John O’Shea oo hadal ka jeediyay kulanka ka socda magaalada Roma ayaa sheegay  inay mas’uuliyad xumo aad u ballaaran ay tahay, haddii ciidamo ka socda Qaramada Midoobay loo soo diro Soomaaliya, waxayna uu intaa ku daray inay in fara galin dhanka ciidamada ah aysan Soomaaliya xilligaan u baahneyn.   

Madaxa gudiga fulinta golaha ammanka Qaramada Midoobay oo ka hadlay kulankaas wuxuu xusay  in haddii ciidamada QM ay Soomaaliya tagaan si ay hay’adaha gar gaarka ugu gacan siiyaan gaarsiinta dadka abaaruhu saameeyeen ay keenayso oo kaaliya khasaaro nafeed iyo in dad badani naf waayaan.   

Mr. John O’Shea oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxay ila tahay inaysan xilligaan aysan arrin saxan aheyn in xilligaan la qorsheeyo in ciidamo Q,M ka socda ay Soomaaliya yimaadaan iyagoo caawinaya hay’adaha gar gaarka waxaana taasi ka dhigan tahay in dad badan ay ku naf waayaan gacan ka hadal ka dhaca Soomaaliya” ayuu oo madax u ah gudiga fulinta ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay. 

Hase yeeshee hadalka  Mr. John O’Shea ayaa imaanaya xilli ay jiraan warar sheegaya in Qaramada Midoobay ay doonayso inay ciidamo ku taageerto hay’adaha samafalka si gargaarka loo gaarsiiyo dadka abaaruhu ay saameeyeen ee ku barakacay gudaha dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss   Roma

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: