Halkaan ka akhri
Josette Sheeran oo ah Madaxa ugu sareeya Barnaamijka cunnadda Adduunka ee WFP ayaa kulanka ka socda magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ka sheegtay inay diyaariyeen qorshe ay gargaar deg deg ah ku gaarsiinayaan dadka ay abaaraha saameeyeen ee gudaha wadanka Soomaaliya ku barakacay iyo kuwa u qaxay wadamada deriska la ah Soomaaliya.
Sidoo kale Josette Sheeran waxay sheegtay inay diyaariyeen in gar gaar deg deg ah oo diyaarado lagu daabulayo ay dhawaan geynayaan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah xeryaha ay qaxootiga Soomaaliyeed ku jiraan eek u yaala wadamada Kenya iyoEthiopia.
Dhanka kale madaxda u ah WFP waxay hadalkeeda ku xustay in dad tiro badan oo caruur u badan oo waliba aad u liida ay ku argatay markii ay booqashada ku timid magaalada Muqdisho waxayna tiri: “Waxaan Muqdisho iyo xeryaha kale ee qaxootiga ku arkay caruur yar yar oo aad u tabbar la’aan hayso oo aad u liita kuna jira xaaladda afaraad ee macaluusha”. Waxayna intaas ay raacisay Goobaha ay gargaarka la gaarayaan ayaa waxaa ka mid ah magaalada Muqdisho Doolow Ethiopia iyo Wajer oo Kenya ah.
Hase yeeshee Kulankan ka socda magaalada Roma ee xarunta wadanka Talyaaniga oo ay ka qeyb galayaan wafuud caalami ah ayaa waxaa looga dhawaaqay in si deg deg ah loola gargaaro dadka abaaruhu sida weyn u saameeyeen.
SomaliSwiss Roma
Filed under: Italy |
You must be logged in to post a comment.