Dowladda Sacuudiga oo Soomaaliya ugu deeqaysa lacago wax looga qabto abaaraha.

undefinedHalkaan ka akhri

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in wadanka Soomaaliya ay ugu deeqayso lacago wax looga qabanayo abaaraha ka jira dalka Soomaaliya, sidaas waxaa shaaca ka qaaday  Wasiirka Waxbarashada iyo Warfaafinta dalka Boqortooyada Sacuudiga C/casiis binu  Qowja, taas oo ka danbeysay kadib markii uu  Boqorka  dalkaasi  Boqor C/dalla Binu C/casiis oo ka hadlay gaba gabada kulan Golaha Wasiirada Sacuudiga ay yeesheen, waxaana shaaca laga qaaday in dalka Somaaliya ay dowladda Sacuudiga ugu deeqday lacag dhan 60-Milyan oo dollarka Mareykanka si wax looga qabto dhibaatada abaarta ka dhalatay ee heysta shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Boqorka Sacuudiga ayaa sheegay in 50-Milyan oo ka mid ah lacagta ay ugu deeqeen Soomaaliya in loogu tala galay in wax looga qabto dhibaatada dhanka cunada ah ee heysata dadka ku barakacay gudaha dalka halka 10-ka Milyan ee soo harayna uu tilmaamay in daaweyn loogu sameyn doono dadka dhibaateysan ayna u marinayaan Uamada Soomaaliyeed Hay’adda Caafimaadka aduunka.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Boqorka dalkaasi Boqor Cabdalla uu  carabka ku dhuftay inay sabab keentay geerida badan dadka Soomaalida ah amni darada iyo abaaraha daran ee ka jirta dalka Soomaaliya,  waxaana si abaaraha looga baxo uu ku baaqay Boqorka Sacuudiga.in dhinacyada Somaalida dagaalka ay joojiyaan ayna  furaan wadooyinka gar-gaarka loo marsiin lahaa dadka u baahan in la gargaaro.

 Si kasta ha ahaatee deeqdan lacagta ah oo ay dowladda Sauudiga ugu deeqday Soomaaliya ayaa ka dambeysay kadib markii Qaramada Midoobay iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay ku baaqeen in si deg deg ah gacan looga geysto abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss   Riyadh

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: