Dab khasaare hantiyeed geystay oo qabsaday Suuqa Xamarwayne ee magaalada Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

Dab xooggan oo khasaare geystay ayaa ka kacay dhismo ganacsi oo ku yaala suuqa Xamar Wayne ee gobolka Banaadir, waxaana lagu soo waramayaa in gurmad ballaaran ay u soo fideyeen goobta uu dabka ka kacay ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada MIdoga Afrika ee AMISOM.

Dabkan oo  ka kacay Carwo Risaalla ee ku taala bartamaha suuqa Xamar Wayne, goobta dabka uu ka socanayo ayaa waxaa ku sugan guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur {Tarsan} goobta ayaa  la soo gaarsiiyay gaadiidka Dab damiska.

Wariyayaasha  ku sugan  goobta ayaa ku soo waramaya in inta badan lagu guuleystay daminta dabka, islamarkaana wali lala tacaalayo sidii loo daminlahaa dabkaasi, hasa ahaate ma sheegain sababta ka danbeysay inuu halkaasi dab ka dhasho.

Sidoo kale warar aanu ka heleyno dad goobjoogayaal ee ku sugansuuqaas ayaa  sheegaya in dabka uu geestay khasaaro hantiyadeed, waxaa la sheegay inuu baabi’iyay saddaxda dabaq ee dhismahaas ka koobnaa.

Goobta uu dabka ka kacay ayaa waxaa soo gaaray   gaadiid dab damis ah ee ay leeyihiin ciidamada AMISOM, waxaana sidoo kale soo gaaray goobta masuuliyiin ka tirsan dowladda FKMG ah ee Soomaaliya, waxaana goobta dabka uu ka socday ka hadlay masuuliyiin uu ugu horeyay gudoomiyaha dagamada X/wayne C/laahi Ibraahim Sahal {Gadhuub} waxa uu sheegay in dabka uu bilaawday xalay 3:30, habeennimo islamarkaana ay sameyeen dadaal dabka lagu daminiyo

Waxa uu guddoomiyaha u mahad celiyay ciidamada AMISOM, sida ay ugu soo gurmadeen, isagoo sidoo kale u mahad celiyay shacabkii ka qayb qaatay daminta dabka.cod

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay afhayeenka Booliska C/laahi Xasan Bariise waxa uu mahad celin u jeediyay ciidamada xoogga Soomaaliyeed iyo kuwa Midoowga Afrika  oo gacan wayn ka geystay daminta dabdka.

Haweynay  ka mid ahayd dadkii ka badbaaday gurriga uu dabka  ka kacay waxa ayn sheegtay in ay adkaatay in gurmad loo sameeyo maadaama ay aad u yar yar yihiin waddooyinka laga soo galo dagmada X/wayne, iyadoo intaa ku dartay in ay gurmad ka heleen maamulka gobolka Banaadir.

Ugu danbeyntii guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ku sugnaa halka uu dabka ka kacay ayaa ka codsaday hay’adda UNP in ay ku caawin wadanka Soomaaliya waxyaabaha muhimka ah ee loo baahan yahay in dalka loo sameeyo sida gaadiidka dab damiska, si wax looga qabto marka ay dhacaan Qatar nuucan oo kale ah.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: