Bankiga adduunka oo dalalka geeska Afrika ee abaartu saameysay siinaya lacag dhan $500 Milyan Dollar.

undefinedHalkaan ka akhri

Warbixin uu soo saaray Bankiga Adduunka ayaa lagu shaaciyay in lacag dhan $500 Milyan Dollar uu siinayo wadamada geeska Afrika oo abaaraha ay ku dhufteen, waxaana dalalkaasi ay kala yihiin:- Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti, warbixintan ayaa lagu cadeeyey  in lacagtaas hoos loogu dhimayo dhibaatada soo wajahday dadka ku nool wadamada Geeska Afrika oo ay ka dhaceen abaaraha muddada dheer ka jirtay.

Mr. Robert Zolex oo ah Madaxa Bankiga Adduunka ayaa sheegay in dhaqaalaha ay ku yabooheen afarta wadan ee geeska Afrika ku yaalla uu ka kooban yahay laba weji oo ah wejiga hore mid degdeg ah, islamarkaana mashruuca kharajka uu yahay mid lagu gargaarayo dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira wadamadaasi.

Sidoo kale Mr. Robert Zolex wuxuu sheegay in wadamada geeska Afrika abaaraha ka dhacay ay sameyn ku yeesheen in ka badan nus Milyan qoys, kuwaasi oo u badan caruur iyo dad da’ ah isla markaana qaarkood ay u geeriyoodeen maclusha iyo gaajada ka dhacday wadamada geeska Afrika, ilaa haatanna ay jiraan caruurta ka yar shanta sano jir ah ee la il daran nafaqo darro iyo cudurrro kala duwan.

Tani waa markii ugu horeysay oo Bankiga Adduunka uu dhaqaale kuyabooho wadamada geeska Afrika ee ay abaaraha saameeyeen, wuxuuna Bankigu sheegay in mashruuca labaad uu yahay mid lagu horumarinayo wadamada geeska Afrika si ay uga gaashaantaan marka ay ku dhacaan masiibooyinka dabiiciga ah.

SomaliSwiss   Washinton

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: