Advertisements

Wasiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxda dowlad goboleedka Somaliland.

undefinedHalkaan ka akhri

Mr. Henery Blingham oo ah Wasiirka Dowladda Ingiriis u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa  shalay gaaray magaalada Hargeysa ee dhulka Dowlad Goboleedka Somaliland, wuxuuna Saxaafadda uga waramay ujeedada booqashadiisa, wuxuuna kulamo kala duwan la yeeshay madaxda maamulka Somaliland, gaar ahaan xukuumada, Baarlamaanka iyo aqalka Odayaasha Somaliland.

Sidoo kale Mr. Henery Blingham oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Baarlamaanka Somaliland waxaan ugu hambalyeynayaa howshiisa baaxadda leh, Dowladeyda way sii wadi doontaa mashaariicda lagu horumarinayo Somaliland”, wuxuuna sheegay inuu soo ahaa muddo ka badan labaatan sano Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska.

Wasiirka Dowladda Ingiriis u qaabilsan arrimaha Afrika Mr. Henery Blingham ayaa sheegay in xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Somaliland iyo UK uu qeyb ka yahay horumarka ay maanta ku tallaabsaneyso Somaliland, isagoona Dowladda Somaliland ku ammaanay hannaanka Dimoqoraadiyadda ah ee maamulkeeda ay ku waddo.

Mr. Henery Blingham ayaa ku ammaanay Qurba joogta Somaliland gaar ahaan kuwooda dalka Ingiriiska ku sugan sida ay horumarka uga sameynayaan, isagoo sheegay in magaalada Hargeysa uu kula kulmay ilaa labaatan dhallinyaro reer Somaliland ah oo ku dhashay wadanka Ingiriiska.

Dhanka kale Wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan Dowladda Ingiriiska ayaa mar uu ka warbixinayay madaxda uu la kulmay iyo waxyaabihii ay ka wadahadleen ayaa sheegay inay ka mid tahay sidii Dowladda Ingiriska ay u aqoonsan lahayd Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana adduunku u caawiyo una aqoonsado sida Koonfurta dalka Suudaan oo kale.

Si kasta ha ahaatee Mr. Henery Blingham wuxuu sheegay in Dowladiisu ay soo dhoweyneyso maamulka Somalilandoo uu sheegay inay kala shaqeyn doonaan la dagaalanka kooxaha argagixisada ah bacdamaa ay deris la tahay dhul aanay ka jirin nabadgelyo iyo kala dambeyn.

Balse ugu danbeyntii Wasiirku wuxuu  sheegay  in aqoonsiga dalnimo ee ay dooneyso Somaliland ay tahay mid ka dhaxeysa Soomaalida, isagoona carrabka ku adkeeyay in Dowladiisu ay diyaar ula tahay Maamulka Somaliland wada shaqeyn iyo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka soo jireenka ah.

SomaliSwiss    Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: