Advertisements

Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo shaaca ka qaaday in xarakada Al-Shabaab ay soo dagaal geliyaan Carruur aan qaan-gaar ahayn.

undefinedHalkaan ka akhri

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed General C/qaadir Sheekh Cali Diinni ayaa Sheegay in Dowlada Soomaaliya aanay Carruurta  ka dhigan Askar, balse Xarakada Al-Shabaab ay markasta soo dagaal geliyaan Carruur aan qaan-gaar ahayn Caruurtaasi oo aan waalidkood ogayn.

General C/qaadir Sheekh Cali Diinni oo ah Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa wuxuu wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta qaranka gaar ahaan TVga Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), wuxuuna ugu horeyntii wax kama jiraan ku tilmaamay wararka ay warbaahinta qaarkeed baahiyeen ee la xiriira in Caruur ay Dowladdu Askar ka dhigato si ay dagaallada uga qeyb geliso.

Hase yeeshee Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka C/qaadir Sheekh Cali Diinni ayaa ugu baaqay Shacbiga Soomaaliyeed inay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ku gacan siiyaan gudashada Waajibaadkooda oo ay qayb ka noqdaan dhiirigelinta howlgallada Dalka guud ahaanba looga saarayo kuwa Cadowga ku ah jiritaanka Dowladnimada iyo Qarannimada Umadda Soomaaliyeed.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: