Gudiga gargaarka abaaraha ee Jaamacada Muqdisho oo Bulshada Soomaliyeed ka codsaday in ay ka qayb galaan ololaha gargaarka.

undefinedHalkaan ka akhri

Guddiga Gargaarka Degdeg ah ee Jaamacadda Muqdisho oo loo aas aasay u adeegida Bulshada Soomaaliyeed xaalad kasta oo ay ku sugan yihiin, sidaas darteed Jaamacadda ayadoo ka damqanayso Macluusha baaxada weyn ee ku dhacday bulshada Soomaaliyeed taasoo sababtay in ay kasoo hayaamaan deganadoodii kana baaba’aan xoolahoodii.

Sidoo kale Jaamacaddu markay aragtay in caruur badan ay u geeriyoodeen Oon iyo Gaajo, hase ahaatee  inta soo gaartay magaalada Muqdishana ay la il daran yihiin cuduro iyo nafaqo xumo daran ayaa waxay jaamacaddu billaawday inay ka howl gesho Xeryaha loo sameeyey dadka tabaaleysan.

Haddaba guddiga gargaar abaaraha Jaamacadda ayaa waxay ka kooban yihiin dhamaan  Kuliyadaha Jaamacadda Muqdisho, sidaas awgeed  Gudigaas gargaarka abaaraha ee Jaamacada Muqdisho wuxuu ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan  in ay   ka qayb qaataan gurmadkaasi,  si aan u wada badbaadino naf Walaalaheen, Sida  uu Ilaahay Quraankiisa ku Caddeeyey : ومن أحياها فكأنما أحيا الناس جميعا

Dhanka kale Fadlan kusoo dira kaalmadiina accounada kala ah 8555 Dahabshiil Bank iyo 0030032889 Salam Bank sidoo kale waxaad nagala soo xiriiri kartaan  numberada taleefonada kala ah: +252-699-301013 / +252-699-301014 ama +252-618-453900 /+252-618-454111.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: