Advertisements

Dowladda Maraykanka oo sheegtay in aysan joojin doonin dagaalada ay kula jiro xarkada Al-Shabaab.

undefinedHalkaan ka akhri

Dowladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday inay sii laba jibaari doonto weerarda ay ku ogaarsanayso hoggaamiyeyaasha Xarakada Al Shabaab iyo Al-qaacidda ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale warbixin ay soo saartay dowladda Maraykanka ayaa lagu caddeeyey inaysan marnaba joojin doonin dagaalada uu kula jiro Al qaacidada gobolka Geeska Afrika gaar ahaan Xarkada Al Shabaab,  taasoo ay sheegeen inay qatar ku yihiin amaanka wamada Caalamka ah.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Maraykanku uu si gaar ah ula socdo qoorshaha ay damacsan yihiin iyo Istaraajidiyadda dagaal ee Hoggaamiyeyaasha Al Shabaab ay ka wadaan goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan oo ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa warbixinta lagu tilmaamay in Xarakada Al Shabaab ay leeyihiin labo ujeedo oo kala ah in la dhiso dowladda Islaami ah oo ay Madax ka noqdaan iyo in Soomaaliya ay kasaaraan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Inkastoo ay warbixinta taabanayso dhinacyo badan ayaa haddana waxaa lagu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay saldhigyo warbaahineyd ka sameysteen gudaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada iyo degmooyinka ay gacanta ku hayaan si ay halkaasi uga dagaalada  islamarkaana ay usoo jiitaan dhalinyarada ku nool qurbaha sida lagu daabacay Warbixinta.

Si kasta ha ahaatee Dowladda Maraykanka waxay warbixinteeda ku sheegtay in daba-gal iyo qiimeyn lagu sameeyay dhalinyarada Soomaalida ah ee qurbaha joogta oo ay Shabaabku diiwaan galiyeen lagu ogaaday inay gaarayaan 2-Milyan oo dhalinyaro Soomaali ah taasi oo  uu Maraykanku sheegay in loo baahanyahay in laga hortago.

SomaliSwiss    Washington

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: