Advertisements

Weerarradii dalka Nowray ka dhacay oo la sheegay inuu ku dhintay wiil Soomaali ah…

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa lagu soo warramayaa in weerarradii ka dhacay dalka Nowray oo geystay nin  xag jir ah oo aad u neceb dadka ajnabiga ah oo 32-jir ah ayaa la sheegay  inuu ka mid ahaa dadkii ku dhintay wiil Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale la la’yahay gabar Soomaaliyeed waxaana la sheegay in dadka la weeray ay  ka tirsanaa dhallinyarada taageersan xisbiga talada dalkaas haya.

Wiilka ku dhintay weeraradaas ayaa magaciisa la sheegay Ismaaciil Xaaji Axmed oo 20-jir ahaa, isagoo ka mid ahaa 85-qof oo dhallinyaro ah oo ku dhintay weerarkii ka dhacay jasiirada Utoya oo dhinaca galbeed kaga beegan 40-km magaalada Oslo ee dalka Norway.

Sidoo kale  Wiilka dhintay ayaa waxaa la socday saddex waalihiis ah, waxayna sheegeen inay arkayey markii walaalkood la tooganayey, waxayna intaas ku dareen in xusay inay badda isku tuureen si ay u badbaadaan.

Dhanka kale Muna Cabdi-Nuur oo 19-jir ahayd  oo ah Gabadha  la la’yahay ayaa ka mid ahayd dad badan oo isku tuuray badda, waxaana sida ay booliiska sheegayaan la maqan saddex qof oo kale, balse sida la sheegay weerarradan ayaa waxaa guud ahaan ku dhintay 92-qof,  iyadoo ninka geystay weerarradaasna lagu magacaabo Anders Behring.

Hase yeeshee Booliiska dalka Norway ayaa caddeeyey in weerarkii ka dhacay xafiisyada ay Oslo ku leeyihiin Ra’iisul wasaaraha iyo Wasiirrada dalkaas ay ku dhinteen toddoba qof, halka weerarka ka dhacay jasiiradda ay ku dhinteen 85-qof, kuwaasoo ka mid dhalinyaro 500 ah oo ka tirsan xisbiga talada dalkaas haya.

SomaliSwiss     Oslo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: