Advertisements

Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay inuu bilaabayo bisha Ramadaan olole ballaaran oo loogu gurmanayo dadka muslimka ah.

undefinedHalkaan ka akhri

Bayaan uu soo saaray Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa  lagu sheegay inuu bilaabayo olole ballaaran oo loogu gurmanayo dadka muslimka ah ee Soomaaliyeed oo la il daran abaaraha ba’an ee ka jira gobollada dalka qaarkood.

Sidoo kale ololahan ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah u bilowdo bisha barakeysan ee Ramaddaan oo maalmo koobani inaga xigaan, si kaalmo loo gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed eek u tabaaloobay abaaraha.

Magaalada Istambul ee dalka Turkiga ayaa la sheegay in 28 ka bishan uu ka dhici doono shirka ururkaas oo shir  guddoomin doona Xoghayaha guud ee ururka Islaamka, kaas oo lagu gargaarayo qaar ka mid ah dalalka Carabta oo ay Soomaaliya ugu horreyso  inta ay socoto bisha Ramadaan oo dhan.

Dhanka kale Shirka ka dhici doona Istambul waxaa lagu gorfeyn doonaa xaaladaha dalalka Soomaaliya, Liibiya, Yemen, Marinka Gaza iyo Ivory Coast, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ururka Iskaashiga Islaamka.

SomaliSwiss     Istambul

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: