Advertisements

Ra’isal Wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya oo maanta soo booqday dhaawaca ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

undefinedHalkaan ka akhri

Ra’isal Wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday dhaawaca ciidamada Qalabka Sida oo ku jira Isbitaalka AMISOM ee magaalada Muqdisho. Ujeedada booqashada ayaa aheyd dhiirigelinta ciidamada Soomaliyeed iyo u kuurgelidda xaaladda caafimaad ee ciidamada.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan booqdo dhaawaca ciidamada oo aan u kuurgalo xaaladdooda, sidaas waxaa  yiri: Ra’isal Wasaare Cabdiweli, wuxuuna intaas raaciyey in Xukuumaddu waxey mudnaanta koowaad siineysaa amniga iyo sidii ciidamada loo xaqabtiri lahaa baahidooda. Sidoo kale wuxuu u mahadceliyey takhaatiirkta iyo shaqaalaha Isbitaalka AMISOM sidii ay uga gar-gaareen ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu gacan qaado ciidamada ku dhaacmay dagaaladii lala galay Kooxaha ka soo horjeeda dowladda ee ku jira Isbitaalka Amisom, isla markaana ka wareystay sida ay xaaladdooda tahay.

Ra’isal Wasaare Cabdiweli wuxuu sheegay inay ka go’an tahay u adeegidda shacabka, gaar ahaan caafimaadka, wuxuuna Ra’isal Wasaaruhu u rajeeyey dhaawaca ciidamada inuu EEBBE bogsiiyo oo ay si dhaqso leh uga kabtaan dhaawacooda.

Intii uu Ra’isal Wasaare C/wali ku sugnaa xarunta ciidamada Amisom wuxuu  Midowga Afrika kala wareegey 3 gaadiid iyo 3 mootooyin casri ah oo loogu tala galayin Xukuumadda KMG ah ay u isticmaalaan howlahooda muhiimka ah.

Dhanka kale Ra’isal Wasaaraha ayaa u mahadceliyey Midowga Afrika sida joogtada ah oo ay u garab istaagan yihiin Dowladda Soomaaliya. Waxuuna uga mahadceliyey deeqdan maanta oo uu sheegay in Xukuumaddu ay baahi weyn u qabto gaadiid lagu wado howlmaalmeedka Xukuumadda.

Taliyaha Ciidamada AMISOM General Nathan Mugisha oo ku wareejiyey deeqdan Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay isagoo ku hadlaya magaca Guddoomiyaha Midowga Afrika in Midowga Afrika ay mar walba diyaar u yihiin sidii ay u garab istaagi lahaayeen Dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Hase yeeshee Booqashada Ra’isal Wasaaraha ayaa ku soo beegmayso maalin ka dib markii shalay uu baarlamaanka si aqlabiyad ah ku ansixiyey xukuumadda cusub iyo barnaamijkeeda.Booqashadan ayaa muujineysa mudnaanta amniga oo ay
xukuumaddu shalay ka hor ballan qaaday Baarlamaanka.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: