Advertisements

Xildhibaanada Baarlamaanka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisal Wasaare C/Weli uu soo magacaabay.

undefinedHalkaan ka akhri

Kulankii ay isugu yimaadeen maanta Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah ayaa waxay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Golaha Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare C/Weli Maxamed Cali, waxaana kalfadhiga Golaha oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan Xildhibaanada ka dalbaday inay cod gacan tag u qaadaan ansixinta Dowladda cusub ee Ra’iisal Wasaare C/Weli.

Fadhigii  Golaha Baarlamaanka ee maanta  ayaa waxaa ka soo qeyb galay 412-Mudane ajandaha looga doodayay ayaa waxay ahayd ansixinta Golaha Wasiirada cusub, waxaana codka gacan taagga ah ugu codeeyay Mudanayaal tiradoodu gaareyso 397-Mudane, 21-Xildhibaan waa diideen, hase yeeshee 2-Qof ayaa ka aamustay.

Sidoo kale Golaha Wasiirada cusub ee dhowaan uu soo magacaabay Ra’isal C/Weli Maxamed Cali ayaa la sheegayaa in intooda badan ay ka maqan yihiin dalka, kuwaasi oo iyagu ka mid ah Qurba-joogta Soomaalida, balse waxaa la filayaa inay maalmaha soo socda dalka soo geli doonaan si ay howsha loo magacaabay u gutaan waajibaadka horyaalla.

Hase yeeshee magacaabista Golaha Wasiirada cusub oo dhowr jeer horay dib ugu dhacday kaddib markii ay isku khilaafeen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka ayaa waxaa haatan sugaya waxqabad iyo inay mudada halka sano ah ku dhameystirto barnaamijkii ka haray xukuumadii ka horeysay.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: