Advertisements

Madaxweynihii hore Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo soo dhaweeyay Golaha Wasiirada cusub.

undefinedHalkaan ka akhri

Madaxweynihii hore Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa soo dhaweeyay Golaha Wasiirada cusub oo uu soo dhisay Ra’iisul wasaraha, wuxuu kaloo uu ka hadlay xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Mudane C/laahi Yuusuf Axmed u waramayay laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA-da  Madaxweynihi hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu ka hadlay magcaabista Golaha Wasiirada cusub oo uu ku dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali iyo aqoonta uu u leeyahay Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale C/laahi Yuusuf wuxuu sheegay in aqoon buuxda uu u leeyahay Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali, wuxuuna tilmaamay in Xukuumadda uu soo magacaabay xiligaani ay tahay mid ku dhisan aqoon, wuxuuna caddeeyey in Xukuumaddan ay wax wayn ka qaban karto xaaladda adag ee dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya wuxuu ka hadlay abaaraha aadka u daran ee iminka ka jira gobolada dalka, wuxuuna carabka ku dhuftay in Caalamka ay iska indha tireen Abaaraha saameeyey noloshada dadka iyo duunyada oo uu sheegay inay u badan yihiin caruur iyo haween.

 Si kasta ha ahaatee Xukuumadda cusub oo uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali oo maalintii shalay uu dhamaystiray Wasiiro dowlayaashii ayaa waxaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay Xildhibaano ka tirsan barlamanka, waxaana la’ogayn sida ay wax ugu qaban doonto xaaladda dalka maadaama Xukuumaddii Farmaajo la sheegay in dalka wax badan ay ka qabatay.

SomaliSwiss      Sanca

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: