Advertisements

Dowladda Mareykanka oo ka hadashay go’aankii Al-Shabab ay ugu diideen Hay’adaha qaarkood in ay ka howlgalaan Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Afhayeen u hadlay Maraykanka ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka fiirsanayso go’aankii ay Al-Shabaab  ugu digeen hay’adaha qaar inay ka howlgali Karaan  goobaha ay maamulaan Al- Shabaab, wuxuuna sheegay inay taasi ahayn mid wanaagsan.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay haboonayd inay ku adkaystaan diidmadoodii hore ee ahayd inaysan Hay’adaha Samafalka ka howlgeli Karin goobaha ay Shabaabku ka taliyaan.

Afhayeenka u hadlay dowlada Maraykanka ayaa sheegay in Al Shabaab ay yihiin kooxo iyaga doonaya in ay hay’adaha Gargaarka qaarkood la wareegaan waxyaabaha ay keenaan, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in laga fiirsado dhawaqa ka soo yeeray Al-Shabaab.

Afhayeenka wuxuu sheegay in Sarkaalka u hadlay Mareykanku uu ugu baaqay Xarakada Al-Shabaab inay ku adkeystaan hadalkii hore ka soo yeeray wuxuuna tilmaamay in xiligaan aysan aheyn xili gorgortan la galiyo hay’adaha gargaarka loona baahan yahay inay gargaar gaarsiiyaan qaar kamid ah dadka ku dhibaateysan goobaha ay Al-Shabab maamulaan .

Hase yeeshee Afhayeenka Al-Shabaab Sheikh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka qaarkood in ay yimaadaan goobaha ay maamulaan Al-Shabaab, balse Sarkaalka u hadlay dowladda Mareykanka wuxuu uga digay Hay’adaha Samafalka inay arintaas tahay Shirqool Shababku ay damacsan yihiin inay ku waxyeeleeyaan hay’adaha samafalka, kulana wareegaan gargaarka ay u wadaan dadka ku tabaalobay abaarta.

SomaliSwiss     Washington

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: