Baarlamanka KMG Soomaaliya oo maanta la horgaynayo Xukuumadda Cusub ee uu soo dhisay Ra’isal wasaare C/Weli.

undefinedHalkaan ka akhri

Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa saakay lagu wadaa in kulan ay isugu yimaadaansi ay  uga doodaan marka la soo hordhigo golaha wasiirada cusub ee uu dhawaan magacaabay R/wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Dr. C/wli Maxamed Cali Gaas.

Sida caadada ah R/wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada Barlamaanka hortooda ka aqriyo mudanayaasha Baarlamaanka xubnaha golihiisa wsiirada ee uu soo magacaabay dhawaan iyo barnaamijkiisa siyaasadeed si ay u ansaxiyo Baarlamaanka.

Hase yeeshee Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dhayalsan habka Ra’iisul Wasaaraha u soo xulay, inkastoo xildhibaanada qaarkood ay sheegeen in ay dhaliilsanyihiin qaabka wax loo soo dhisay ayna u arkaan in ay waxba soo kordhin doonin, halka qaar kalena ay soo dhaweeyeen golaha wasiirada ee cusub, balse saakay ayaa la arki doonaa waxa uu kala kulmo R/wasaare C/weli mudanyaasha Baarlamaanka, walow ay xukuumadiisa ay ka koobanathay wasiiro kooban oo tii Farmaajo oo kale ah.

Hase yeeshee xukuumada cusub ayaa hadii la ansaxiyo loga fadhiyaa inay wax ka qabato dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dibu heshiisiinta, iyadoo warar ku dhowdhow xafiiska R/wasaaraha ay sheegayaan in Barnaamijkha Siyaasadeed ee uu ku dhaqaaqeyso xukumadan cusub ay tahay dhinaca amniga iyo siyaasadda.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: