Advertisements

Xarakada Al-Shabaab oo sii daysay Haweynay ka mid aheyd wasiirada cusub ee dowladda KMG ah oo ay shalay afduubteen.

undefinedHalkaan ka akhri

Wasiiradda cusub ee hormarinta haweenka dowladda KMG Soomaaliya Marwo Caasho Cusmaan Caqiil oo ay shalay afduubteen Maleeshiyo ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa  maanta  barqadii la sii daayay, kadib markii  ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay ka qabteen magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Balse waxaa nasiib wanaag ah  in Marwo Caasho Cusmaan Caqiil ay dib u hesho Xoriyadeeda, kadib markii Xarakada Al-Shabaab ay maanta sii daayeen haweynaydaas oo wasiirada ah , iyadoo arrintaan ay noqotay mid aan horay looga baran  Xarakada  Al-Shabaab.

Sidoo kale Xarakadda Al-shabaab ayaa horay u ahaan jiray  kuwo ugaarsada oo dila  saraakiisha iyo madaxda dowladda KMG ah oo ay ku tilmaamaan  inay diinta Islaamka ka baxeen, sida ay xarakadda Al-Shabaab inta badan ay ku hadal-qabsato.

Wasiiradda hormarinta haweenka dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ah ayaa la hadashay warbaahinta, waxayna xaqiijisay in la cafiyay, islamarkaana ay soo dhaweynayso cafiskaasi loo fidiyay, waxaana la sheegayaa in laga yaabo inaysan marnaba qaban doonin jagada loo magacaabay, waxaana taasi loo sababaynayaa in sii daysmaheeda shuruud loogu dhigay inay faraha kala baxdo arrimaha Siyaasadda.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: