Halkaan ka akhri
Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Sacuudiga oo gaaraya  Ilaa 60 qof ayaa maanta diyaarad waday waxa ay kasoo dagtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay ka muuqatay daruuf aad u daran.
Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa waxay  warbaahinta u sheegeen in dhibaato wayn ay ku qabeen xabsiyada ay ku xirnaayeen ee dalka Sacuudiga oo ay jirdil u geysan jireen ciidamada ilaalada xabsiyada dalkaasi.Â
Sidoo kale mid ka mid ah dhalinyarada maanta soo gaaray magaalada Muqdisho oo isna la hadalay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay inay mudo ku jireen xabsiyada Sacuudiga ugu danbeyna maanta ay soo gaareen magaalada Muqdisho waxana uu intaasi ku daray in markii hore sababta ay dalka uga tageen ay tahay si nolo ka wanaagsan mida Soomaaliya ay uga helaan dalkaasi.
Si kasta ha ahaa maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa isasoo tarayay dadka Soomaalida ah ee laga soo tarxiilayo dalka Soomaaliya iydoo dhawaan magaalada Muqdisho ay soo gaareen in ka badan 120-ruux oo laga soo tarxiilay wadanka Sacuudiga.
Somaliswiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.