Qaraxyo xoogan oo maanta lagu weeraray xarumaha Dowladda Narway ee magaalada Oslo.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Qaraxyo waaweyn oo aan illaa iyo hadda la aqoon waxa ay yihiin amaba cida ka dambeysa ayaa lala beegsaday xarun ku taala caasimadda dalka Norway ee Oslo.

Qaraxyadan ayaa la sheegay in ay ahaayeen laba qarax, kuwaas oo lala kala beegsaday goob xarun u ah xildhibaanada Baarlamanka dowladda Norway.

Qaraxyadaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawacyo fara badan, iyadoo aan la ogeyn tirade rasmiga ah ayaa waxaa la arkayaa dhaawacyo fara badan oo loola sii cararayo Ispitaalada magaalada Oslo.

Ciidamo fara badan iyo gawaarida gurmadka deg dega ah ayaa soo buux dhaafiyay goobta ay qaraxyadaasi ka dheceen, goobahaasi oo u muuqda sidii qaraxyadii 9/11 ee lala beegsaday labadii dabaq eek u yaalay magaalada New York ee dalka Mareykanka. waxaana wadooyinka daadsan jajabka muraayadaha iyo qashin kale oo fara badan.

Dowladda Norway ayaa sheegtay in ay baaritaano socdaan, walina aan lacadeyn Karin cida sida rasmiga ah uga dambeysa qaraxyadaasi.

SomaliSwiss Oslo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: