Madaxa Ururka Midawga Yurub ee arrimaha bini’aadanimada oo booqasho ku ku tagtay xeryaha qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya.

undefinedHalkaan ka akhri

Kristalina Georgieva oo ah Madaxa ugu sareeyay Ururka Midawga Yurub arimaha bini’aadanimada iyo gar gaarka deg deg ah ayaa maanta booqasha ku tagaysa xeryaha ay ku jiraan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku yaala dalka Kenya.   

Sida lagu sheegay war laga soo saaray wasaaradda arrimaha dibbadda ee dalka Poland  in Kristalina Georgieva ay booqan doonto xeryaha Dhadhaab iyo Ifo oo ay ku jiraan kumanaan qof oo qaxooti Soomaali ah .  

Sidoo kale Socdaalka ay haweenaydaan midawga Yurub u qaabilsan arrimaha gar gaarka ay ku tagayso xeryaha ay ku jiraan qaxootiga Soomaaliyeedd ee ka cararay abaaraha iyo colaadaha dalka Soomaaliya ka jira ayaa lagu macneeyay inay u kuur galayso isla markaana ay qiimeyn ku samaynayso sida ay tahay xaaladda qaxootiga Soomaalida ah ee  ku sugan xeryaha qaxootiga ee Kenya ku yaala.  

Dhanka kale Warbaahinta dalka Poland ayaa waxay sheegeen in safarka Kristalina Georgieva ay maanta oo jimco ah ku tagayso xeryaha qaxootiga uu ku weheliyo ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda dalka Poland Krzysztof Stanowski,  waxayna indha indheyn ku soo sameyn doonaa xaaladda barakacayaasha inta ay gaarsiisan tahay iyo dhibaatada heysta dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalka Kenya iyo Ethiopia.

Hase yeeshee Qaramada Midoobay ayaa Caddeysay in maalin walba ay xaduudaha ka soo gudbayaan dad ka badan 1,300 ( Kun iyo Sadex boqol) oo qof oo Soomaali ah kuwaasoo ka cararaya dhibaatada ka jirta wadankooda.  

SomaliSwiss   Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: