Advertisements

Diyaarado mucaawino sida oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha magalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka soo degay laba diyaaradood oo laga leeyahay dalka Kuweyt, iyadoona dowladda dalka Kuweyt  u soo dirtay dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Sida lagu soo warramay diyaaradahaas ayaa waxay Muqdisho keenay gargaar isugu jira daawo iyo agab kale oo lagu gargaarayo dadka ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya, waxaana deeqdaasi ka gudoomay Dowladda KMG ah madax ka tirsan.

Amiirka Dowladda Kuweyd ayaa wuxuu dhowaantan shaaciyay inuu toban Milyan Dollar ku tabarucayo dadka ay abaaraha ku habsadeen ee Soomaaliyeed,sidaas darteed  labada diyaaradood ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxay ka mid yihiin ballanqaadka dowladda Kuweyt.

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa ka mahad celisay mucaawinada lagu tabarucayo dadka tabaaleysan, iyadoona sheegtay inay u qeybin doonto dadka ay abaaraha soo barakiciyeen ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Somaliswiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: