Fanaanadii Kinsi Xaaji Aadan oo geeriyootay.

undefinedHalkaan ka akhri

Kinsi Xaaji Aadan – Heestii xareeda laguma wacnaado

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyootay fanaannadii caanka aheyd ee Soomaaliyeed Kinsi Xaaji Aadan.

Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo ku suugan magaalada Muqdisho isla markaana ay isla soo shaqeeyeen Fanaannadda geeriyootay ayaa Saxaafadda u sheegay in ay Kinsi u geeriyootay xanuun caadi ah, isla markaana maanta lagu aasayo Magaalada Hargeeysa.

Cabdi dhuux ayaa intaa ku daray in Allaha u naxariistee Kinsi ay ka mid aheyd kooxdii Fanaaniinta Onkod iyo Waaberi, waxeyna aheyd fanaannad cod macaan oo aad loo jeclaa.

Kinsi Xaaji Aadan – Heestii iga maqan

Taariikhda Fanaanada Kinsi Xaaji Aadan

Fananada wayn ee Kinsi xaaji aadan waxay ku dhalatay waqooyiga Soomaaliya waxay ka bilowaday iskuulka magaalada Hargaysa, Kisnsi Xaaji Aadan, waxay bilowday fanka todobaatameeyadii fanaanada waxay soo waday fanka xilli aad u dheer waxay na ka mid ahayd fanaaniinta aad iyo aad loo jecel yahay waxayna bilowday fanka iyadoo yar sid ay fanaaniinta qaarkood sameeyaanba kinsi heesteedii ugu hareeysay waxay ahayd hestii la oran jira WAJIYAAL IS XASUUTA oo ku jirtay riwaaydii la oran jiray WAJIYAAL IS XASUUTA IYO JACAYL KALA WAALAN waa riwaayadii ay ku so baxday Kinsi Xaaji Aadan.

Riwaayadaas wixii ka dambeeyey Kinsi waxay si joogto ah u sii daba gashay Fanka, waxayna ka qayb qadatay Riwaayado badan, waxaana Kinsi xaaji Aadan Fanka sifiican ugu soo dhaweeyey abawan kii waynaa ee can ka aah Ahamed Saleebaan Bidde oo ku daray Kinsi Riwaayado badan oo ay soo sareen kooxdii can ka ahayd ee Waaberi, waxaa ka mid aha riwaydaha ay xiliga ka qayb gashay oo kinsi Xaaji aadan meel wayn ka ciyaraysay riwaayadii can ka ahayd ee la oran jiray MASIIBADA ADUUNKA YAA U MACALIN AH heesta ugu macaanayd riwaydaa amaba ay ku socotay riwayda macnaheedu ayaya ka qaday qadatay kinsi xaaji aadan iyo Faduma cali cilmi (haladhaa) oo isugu jiibinayey oo haldhaana ay ku metelaysay gabadh dhaqanka meel wayn kaga jirta Kinsina ay ku metelaysay gabadh casriga la ciyaaraysa hees tuna waxay ahayd

TAARIIKHDU WAX BAY HEDAA ADUUNKUNA WA HAYAA BSADAA ADUNKUNA WA HAYAA HOGAAN KUNA WAA CASRIGA, NAFTADAN LAMA HAGRADO QAYRKAA KA HAD WAA HABAAR HERYADAN AAD SIDATIYO HAYLAHAN WA LAGA ILBAXAY DHALANTA AAD HALAGSATIDE MAKUU GACAN HADIYAA HANEEDKA MAKUU QABTAA HOBAANTA MA KUU GURAA

Intaa waa inta ya tiri kinsi xaaji aadan tiri
Haldhan waxay ku jawaabtay sidan

HABEENOYO HEBEDKA GEEL HASHAAN MAQASHAYSKA CELINE HARRTI INTANAY DHALAIN GILAALI KII BAYHADHAA HANBANA WAA LAYSKU NACAY HIGADAN IGU AFGARO DHARAARBA NIN KAAN KA HELO HABEE KII KUMA DHAXEE HANTIDU WAY DHANTAHA XISHOOD HODON BAAN KA AHAY XAYIHII BAAN SOO HUWADAY HABLAHA SOMALIYEED

Kinsi xaaji aadan silsilada fanka sifiican bay usii dabagashay waxayna ka qayb qadan jirtay riwaydaha waa wayn sida XISHOOD IYO JACAYL oo ay iyan door fican ka ciyartay wixii dagalada ka danbeeyey kinsi xaaji aadan waxay deganayd wadan ka jabuuti waxay ku samaysay riwaydo badan oo ay la samasay kooxo yar yar kinsi hada waxay joogtaa somalya lakiin dhitaadawa way ee kinsi ay ka cabanaysaa waxaa weeyaan in fan kii uu noqday xabaal timir taal siiba heeseheesii oo ay ka qadan fananii yar yari qurbaxan heesah kinsi xaaji aadan oo lagu soo baxay waxa ka mida heesta wajiyaal is xasuuta oo gabadh reer itoobiya ah ay ku soo baxaday waxa kale oo qada heesaheeda fanaanda way ee saynab laba dhagaxa iyo fanaani kaleba

KINSI XAAJI AADAN HEESAH AY QAADO
IYO ABWAANIN TA U SAMAYSAY

Heesaha ay qaado Kinsi Xaaji Aadan

Heesta midhaheeda waxa curiyay Abwaan Tuug Tarabi
Heestan magaceeda waxa la yidhaa:
Yuuqyuuqsadaa

Heestan magaceeda waxa la yidhaa:
Horta yaa abaal gala

Heesaha ay qaado Kinsi Xaaji Aadan.
Heestan magaceeda waxa la yidhaa:
xagay gacalo soo mari

Heesaha ay qaado Kinsi Xaaji Aadan.
Heestan magaceeda waxa la yidhaa:
Sida cadho libaax qaba

Heesaha ay qaado Kinsi Xaaji Aadan.
Heestan magaceeda waxa la yidhaa:
Markaan idhi u yeedh

Heesaha ay qaado Kinsi Xaaji Aadan.
Heestan magaceeda waxa la yidhaa:
ila xidh hoosa.

SomaliSwiss Hargaysa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: