Kooxda Al-Shabab oo mar kale diiday in hay’adaha gargaarku cunto geeyaan dalka Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Afhayeenka ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage [Cali Dheere] oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa gaashaanka ku dhuftay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay oo sheegeysa in labo gobol oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya ay ka jirto macluul daran.

Cali Dheere ayaa si guud uga hadlay abaaraha ka jira Soomaaliya isagoo sheegay in dadka abaaraha ka soo barakacay ee ku nool deegaanada ay maamulaan loo gurmaday, aysanna qabin wax ka duwan waxa ay qabaan dadka kale.

“Waa been abuur laga faafinayo gobolada Bay iyo Bakool. Runtii goboladaasi waxay ka mid yihiin meelaha ugu roon dalka” ayuu yiri Cali Dheere oo si kulul u beeniyey warbixintii maalmo ka hor ka soo baxday Qaramada Midoobay oo sheegtay in gobolada Bay iyo Bakool ay ka jirto macluul tan ugu daran.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa ku eedeeyey in hay’adaha gargaarka aysan ka run sheegin gargaarka,, wuxuuna ka digay in dadka ku nool meelaha ay ka taliyaan labarakaciyo.

“Waxay rabaan in dadka laga barakiciyo meelaha islaamku ka jiro oo Soomaaliya oo dhan ay noqoto meel laga guuray, waxaana uga digeynaa dadka Soomaaliyeed inaan been loo sheegin” ayuu yiri Cali Dheere oo sheegay in hay’adaha ay rabaan in dadka loo qixiyo Kenya iyo Ethiopia.

Wuxuu intaa ku daray in siyaasad iyo dano gaar ah laga leeyahay buun buuninta abaarta ka jirta koonfurta Soomaaliya.

Al-Shabaab oo kala soocay hay’adaha

Afhayeenka Shabaab wuxuu sheegay in aysan u ogolaan doonin hay’adihii ay hore u mamnuuceen inay dalka yimaadaan.

“Hay’aadkii hore loo mamnuucay kuma jiraan horey iyo gadaal. Waay hay’aadka waxay isugu jireen qaar aanba gargaar shaqo ku lahayn iyo kuwa dadka hagardaameyn jiray” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id afhayeenka Al-Shabaab.

Dhanka kale wuxuu afhayeenka Shabaab sheegay in iyagu bilaabeen sidii dadka abaaraha ka barakacay loo siin lahaa dhul ay tacbadaan si ay u shaqeystaan, wuxuuna ugu baaqay ganacsatada iyo dadka wax heysta inay dadka u gurmadaan oo ay ka qeybqaataan hawlaha gargaarka.

Hadalka afhayeenka Shabaab ayaa markale caqabad ku noqonaya fasaxii ay hre u siiyeen hay’adaha samafalka oo hadda ay sheegeen in aan la wada fasixin.

Arintan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay soo bexeen warar sheegaya in saraakiisha sare ee Shabaab aysan isku raacsaneyn in hay’adaha la fasaxo.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: