Halkaan ka akhri
Xoghayaha guud ee Q/Midoobay Ban ki Moon oo kooxaha warfidiyeenka kula hadlayey magaalada New York ee xarunta u ah Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujiyey heerka ay gaarsiisantahay abaarta ku dhufatay Soomaaliya.
Sidoo kale Mr Ban ayaa ugu baaqay wadamada deeq-bixiyaasha caalamka in ay bixiyaan adduun dhan $300 Milyan oo doolarka Maraykanka, taasi oo ku tilmaamay in wax looga qabanayo labada bil ee nagu soo aadan abaaraha ku sii baahaya koonfurta Soomaaliya.
Dhanka kale Iskuduwaha gar gaarka beni’aadannimo Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mark Bowden ayaa hoosta ka xariiqay in macluul aad u baahsan ay ka dilaacday gobollada Bakool iyo Shabeelaha Hoose, waxaana uu ka digay in haddii si deg deg ah wax looga qaban waayo macluushaasi ay ku baahi doonto 8-gobol oo ku yaala koonfurta Soomaaliya.
Hase yeeshee Mark Bowden ayaa sheegay in 10-kun oo Soomaali ah, una badan carruur ay goor hore ugu geeriyoodeen gaajo iyo nafaqo darri, halka tiro intaa ka badan ay haatan la ildaranyihiin macluul.
Balse sida ay hay’aduhu sheegayaan in, in kabadan boqolkiiba 30% carruurta Soomaaliyeed ay soo food saartay dhibaatooyin la xiriira xaaladaha nafaqo la’aan, ayna soo wajahday carruurtaas macluul daashatay oo dhulka soo dhigtay, qarkana u saaran yihiin dhimasho.
SomaliSwiss   New York
Filed under: New York |
You must be logged in to post a comment.