Advertisements

Merry Robinson oo ahayd Madaxweynihii hore dalka Ireland oo booqatay xeryaha qaxootiga Soomaalida ah ee ku yaala dalka Ethiopia.

undefinedHalkaan ka akhri

Madaxweynihii hore ee wadanka Ireland Miss. Merry Robinson ayaa shalay booqasho ku tagtay xeryaha qaxootiga dadka Soomaalida ah ee ku yaala dalka Itoobiya, Haweynadan intii ay  ku sugneyn xeradaasi waxay la kulantay madax kala duwan oo ku suganaa xeryaha ay ku jiraan  dadka Soomaalida ah ee kuwaas oo ka soo barakacay abaaraha ka dillaacay Soomaaliya.

Sidoo kale haweeneydu waxay sheegtay in dalka Soomaaliya ay ka hakadeen gargaar la siin lahaa markii marmarsiiyo laga dhigtay in argagixisada iyo kala dambeyn la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya, waxayna ka hadahshay Mss. Merry Robinson in dowladeedu dadaal u geli doonto sidii ay u caawin lahayd dadka Soomaaliyeed ee  ku jira xeryaha qaxootiga.

Mss. Merry oo hadalkeeda sii wadata waxay tiri: “Caalamka 40% ayuu ka jawaabay gargaarka Soomaaliya” waxayna sheegtay in Soomaaliya qalalaasaha ka taagan iyo abaaraha ka kacay ay u keeneen dib u dhac iyo in gargaarka la gaarsiin waayo meelaha ay dhibaatada ka jiraan.

Hase yeeshee  Madaxweynihii hore ee wadanka Ireland Mss. Merry Robinson oo  12 September 1997 xubin sharafeed ka noqotay guddiga Sare ee Xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay  ayaa sheegtay in wadamada caalamka aanay awood u lahayn inay si dhameystiran gargaar u gaarsiiyaan, bacdamaa Soomaaliya ay ku sugan kooxaha argagixisada caalamiga ah oo iyagu ugaarsanaya dadka ajaanib ka ah ee hay’adaha samafalka ka shaqeeya.

SomaliSwiss    Doolo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: