Advertisements

Danjire Augustine Mahiga iyo Mark Bowden oo Barqadnimadii Maanta soo gaaray Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

War naga soo gaaray goor dhowayd magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in wafdi uu  hoggaaminayaan ergayga xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Augustine Mahiga iyo xiriiriyaha gargaarka bani’aadamnimo ee Soomaaliya Mark Bowden ayaa kasoo dagay daqiiqado ka hor garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Hase ahaatee  Mahiga iyo Bowden iyo wafdiga la socda ayaa waxaa garoonka keentay diyaarad gaar ah, balse wafdigan ayaan  la hadlin saxaafadda,  waxaa soo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya, waxaana lagu wado inay kulammo la qaataan madaxda ugu sarreysa dalka.

Si kasta ha ahaatee booqashada wafdigan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo shalay Qarammada Midoobay ay ka dhawaajisay in macluul daran ay ka jirto Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Bakool iyo Shabeellada hoose, loona baahan yahay in loo gurmado shacabka abaaraha ku barakacay.

Balse dhinaca kale, imaanashaha wafdigan ay ku soo aadaysa, iyadoo xalay fiidkii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali uu si rasmi ah ugu dhawaaqay golihiisa wasiirrada oo ka kooban 18-xubnood, waxaana loo maleeyaa in arrintaas ay la xiriirto Imaanshahooda.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: