Advertisements

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga C/Xakiin Xaaji M. Fiqi oo soo dhoweeyey golaha wasiiradii cusub.

undefinedHalkaan ka akhri

Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa soo dhoweeyey Xukuumada Cusub ee Soomaaliya.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo wareysi siiyey Warbaahinta Muqdisho ayaa ugu horeyn wuxuu hambalyo u diray Wasiirada Cusub ee uu magacaabay Ra,isulwasaare C/weli Maxamed Cali, wuxuuna Alle uga baryey in howsha hortaalla uu u fududeeyo.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Wasiiradan cusub mudo ayaa laga fiirsanayey soo xulistooda waana wasiirro lagu soo xushay Kartidooda,Aqoontooda iyo Waaya aragnimadooda waxaan aaminsanahay inay howsha hortaalla gudan doonaan si howlkarnimo ahna xilalka ama mas,uuliyada loo dhiibay ay kasoo bixi doonaan”.

Sidoo kale mar uu ka hadlayey waxyaabaha horyaala Wasiirada Cusub ee loo baahanyahay in wax laga qabto ayaa tilmaamay in marka ugu horeysa looga baahanyahay inay wax kaqabtaan arimaha amniga gaar ahaan waxa uu soo hadal qaaday dhamaystirka howlgaladii la xiriiray amniga ee dalka looga xureynayey Xarakada  Al-Shabaab kuwaasi oo horey uga socday magaalada Muqdisho iyo gobolada Dalka iyo in sidoo kale laga doonayo dhamaystirka qabyo qoraalka Dastuurka kaasi oo howshiisu in mudo ah ay soo socotay si dalka looga gudbiyo Marxalada KMG.

Hase yeeshee ugu dambeyntii wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in haddii Xukuumadan ay hesho wada shaqeyn Hay,adaha kala duwan ee Dowlada islamarkaana ay taageeraan Shacbiga Soomaaliyeed dhamaanba waxyaabaha horyaala ay wax kaqaban doonto mudada Sanadka ah ee ay heystaan Golaha Wasiirada.

Si kasta ha ahaatee Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi wuxuu kamid ahaa xubnihii ugu fir-fircoonaa Xukuumadii hore waxaana mudadii Lixda bilood ee xilkaasi uu hayey lagu xusuustaa dadaalada la xiriira in dalka guud ahaanba laga xureeyo Maleeshiyada Al-Shabaab si dib loogu soo celiyo Amaankii dalka isagoo si gaar ah loogu xusuusto Safarro dhiirigelin ah oo uu ku tagay gobolada dalka Qaarkood markii ay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ka xureeyeen xarakada Al-Shabaab.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: