Halkaan ka akhri
Xog’hayaha arrimaha dibbadda dalka Maraykanka oo sheegtay in dadka ku abaareysan  Soomaaliya ay ugu deeqayaan 28 Million dollar oo deg deg ah.
Xog’hayaha arrimaha dibbadda dalka Maraykanka Hillary Clinton ayaa ku dhawaaqday in 28 Million dollar Mareykanka oo deg deg ah, taasi oo loogu talo galay in wax loogu qabto dadka abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliya ku nool.
Hillary Clinton oo maanta soo saartay War-saxaafadeed ayaa shgeegtay inay ku deeqayso lacag dhan 28 Million oo Dollar isla markaana ay beesha caalamnka kala shaqeynayso barakacayaasha Soomaaliyeed ee gudaha ku dhibaateysan.
Sidoo kale Hillary Clinton waxay xustay in lacagtan deeqda ah ay ugu talo galeen in ka badan 11 million oo ruux oo abaaruhu ku saameeyeen wadamada geeska Africa kui yaala gaar ahaan wadamada Soomaaliya, Jabuuti, Ehtiopia iyo Kenya oo ay sheegtay inay xilligaan ka jiraan dhibaatooyin nololeed oo ka dhashay abaaraha gobolka ka jira .
Dhanka kale Xog’hayaha arrimaha dibbadda Maraykanka waxay war saxaafadeedkeeda ku xustay inay hayaan warar sheegaya in abaaraha Soomaaliya ka jira ay u geeriyoodeen tobonaan kun oo caruur ah oo sababsaday nafaqo daro ka dhalatay abaaraha dalka sida weyn u saameeyay.
Hase yeehee dhawaan ayay aheyd markii sidaan oo kale xukuumadda Maraykanka ku yaboohday lacag dhan (431 Afar boqol Sadon iyo kow million oo Dolar) oo loogu talo galay in lagu gar gaaro dadka dhibaateysan ee Soomaaliya ku nool.
Hadalkan ka soo yeeray dawlada Maraykanka ayaa yimid kadib markii ay Q,M ka dhaawajisay in abaarihii ugu xumaa ay Soomaaliya haatan ka jiraan isla markaana loo baahanyahay in si deg deg ah gar gaar loola gaaro dadka dhibaateysan.
SomaliSwiss New York
You must be logged in to post a comment.