Midowga Afrika oo caalamka ugu baaqay inay u soo gurmadaan musiibada sii kordhaya ee ka jirta dalka Soomaaliya

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Ergeyga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Mr. Jerry Rowlings iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay ujeedada socdaalkiisa iyo waxyaabihii uu kala kulmay, wuxuuna  ka hadlay xaaladda nolosha kumanaan qoys oo ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya iyo arrimo la xiriira Siyaasadad dalka Soomaaliya.

Mr. Jerry Rowlings wuxuu sheegay in Dowladda KMG ah madaxdeeda uu kulan la yeeshay, iyagoo ka wadahadlay sidii loo dhameystiri lahaa dhismaha Dowladda cusub ee Ra’iisal Wasaare C/Weli, isla markaana kulankaasi ay isku afgarteen dhammaanba waxyaabihii ay ka wadahadleen. 

Sidoo kale Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya waxa uu sheegay inay sameynayaan wax kasta oo macquul ah si Dowladda Soomaaliya ay dalka u gaarsiiso hannaanka doorashada dadweynaha, isagoo si gaar ah saddexda mas’uul ku booriyay inay si wadajir ah ula yimaadaan waxqabad muuqda. 

Mr. Jerry Rowlings oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Shacabka Soomaaliyeed waxa ay rabaan kama helayaan Xarakada Al-shabaab, balse waxaa loo baahan yahay in la muujiyo midnimo gaar ahaan waa inay Madaxweyne, Ra’iisal Wasaare iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay dadaal muujiyaan ” wuxuuna sheegay in booqashadiisa shalay aanay ahayn midii ugu dambeysay balse uu soo laaban doono. 

Ergeyga  Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya wuxuu kaloo uu  ka hadlay arrimaha bani’aadaminimo, wuxuuna u mahad celiyay wadamada Carabta kaalmada ay ka geysanayaan Soomaaliya abaaraha ka jira, isagoona sheegay caalamka inuusan dhayalsan xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin dadka ay abaaraha ku habsadeen. 

Hase yeeshe Egeygu wuxuu soo hadal qaaday xayiraadda xarakada Al-Shabaab ay ka qaaday hay’adaha gargaarka iyo baaqeedii gurmadka abaaraha ku habsaday dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay Mr. Jerry Rowlings in tallaabadaasi ay muujineyso culeyska iyo welwelka abaaraha Soomaaliya, isla markaana meel la iska dhigo mowqifyada siyaadeed loona jeestay sidii loo badbaadin lahaa dadka u dhimanaya gaajada iyo oonka .

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: