Advertisements

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo xarunta Madaxtooyada ku Qaabilay Wafdi ka socday Ururka Islaamka.

HOOS KA DAAWO SAWIRO KALE

undefinedHalkaan ka akhri

Wafdi ka socda Ururka Islaamka ayaa maanta soo gaaray Muqdisho waxayna la kulmeen Madaxweynaha dowladda, Ra‘isulwasaaraha Xukuumadda iyo Gudiga Gurmadka Qaran ee Abaaraha.

Wafdigan ka socday ururka Islaamka ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho ay si toos ah waxay u soo kormeereen xerada barakacayaasha  Badbaado iyo xerooyin kale oo ku yaala Muqdisho, waxayna u kuurgalayey xaaladda dadka barakacayaasha ah ee ku jira xeryaha loo sameeyay Barakacayaasha.

Ra,isulwasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Maxamuud Xaaji fiqi oo ka mid ah guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha ayaa wafdigaasi warbixin ka siiyay xaaladda nololeed ee dadkaasi iyo dadaalka ay dowladdu u gashay badbaadinta nolosha dadkaasi.

Wafdiga ayaa isla maanta la kulmay R/wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali,kadib  markii ay soo kormeereen xarumaha Barakacayaasha ayna indhahooda ku soo arkeen xaaladda dadkaasi waxayna ballan qaadeen in ay gurmad degdeg ah dadkaasi soo gaarsiin doonaan iyadoo Ra,isulwasaaruhu dhankiisa uga mahadceliyay wafdigaasi gurmadka bani’aadannimo oo ay ufidiyeen dadka tabaaleeysan.

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa wafdigaasi xafiiskiisa ku qaabilay wuxuuna uga mahadceliyay Urur-weynaha Islaamka sida ay uga dadaaleen gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku habsatay.

Dhanka kale  Madaxa wafdiga C/raxmaan Suheymi ayaa sheegay in ururka Shirweynaha Islaamku uu gargaar soo gaarsiin doono sida  ugu dhaqsiyaha badan maadaama ay xaalada dadkaasi ku sugan yihiin tahay mid aad u liidata oo ubaahan gurmad deg deg ah.

Hase yeeshee Socdaalka maanta ku yimaadeen magaalada Muqdisho Wafdiga ka socda ururka Shirweynaha Islaamka ayaa qeyb ka ah dadaallo loogu jiro sidii wax loogu qaban lahaa dadka Soomaaliyeed ee ka soo Barakacay gobolada ay abaaruhu Saameeyeen ee dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: