HOOS KA FIIRI MAGACYADA
Halkaan ka akhri
Waxaa goor dhow si rsmi ah loo shaaciyey xubnaha golaha wasiirada DKMG Soomaaliya kuwaasoo mudooyinkanba la isku hayey isla markaana laga sugayey inuu raysul wasaare C/weli Gaas soo magacaabo.
Liiska golaha wasiirada waxaa shaaciyey oo saxaafadda u akhriyey wasiirkii hore ee warfaafinta C/kariin Xasan Jaamac, iyadoo halkii wariyaashu ay ka sugayeen inuu raysul wasaare C/weli Gaas uu liiska u soo gudbiyo uu raysul wasaaruhu ka baaqday balse markii dambe waxaa liiska saxaafadda u akheiyey C/kariin Xasan Jamac.
Liiska golaha wasiirada cusub ayaa ka kooban 18 wasaardood, taasi oo la mid ah
1- Mudane Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bille) Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta
2- Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim Waxaa loo magacaabay Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda
3- Mudane Xuseen Carab Ciise Waxaa loo magacaabay Ra’iisu-Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga
4- Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif Waxaa loo magacaabay Ra’isul-Wasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.
5- Mudane Cabdisamad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.
6- Mudane Dr. Cabdinaasir Maxamed Cabdulle Waxaa loo magacaabay Wasiirka Waasaaaradda Maaliyadda & Lacagta.
7- Marwo Caasho Cismaan Caqiil Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska,
8- Mudane Cabullaahi Xaaji Xasan Maxamed Nuur waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Xannaanada Xoolaha
9- Mudane Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
10- Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta
11- Mudane Maxamed Muxiyadiin Sheekh Mursal Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Dhallinyarada & Isboortiga
12- Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda & Bay’adda
13- Mudane Aadan Cabdullaahi Aadan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidk Circa, Dhulka, Badda & Dekadaha
14- Mudane Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka & Dib-u-heshiisiinta
15- Mudane Jaylaani Nuur Iikar Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeenta & Dib-u-dhiska
16- Mudane Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha & Batroolka
17- Mudane Prof. Axmed Caydiid Ibraahim Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaaha & Tacliinta Sare.
18- Madane, Cabdullaahi Goodax Barre Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheenta & Iskaashiga Caalamiga
HALKAAN KA FIIRI QABIILOOYINKA WASIIRADU KASOO JEEDAAN
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.