Advertisements

Ciyaarihii xagaaga Soomaalida EUROSOM oo si rasmi ah uga bilowday magaalda Helsinki ee dalka Finland.

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa shalay garoonka Prahä Kentaa oo ku yaalla bartamaha magaalada Helsinki ee dalka Finland si rasmi ah uga bilaabmay ciyaarihii kuleylaha oo sanadkiiba xilligan oo kale lagu qabto dalkan.

Kooxaha tartankan ka qayb qaadanaya oo gaaraya 8 kooxood ayaa ka kala yimid dalalka Sweden, Denmark, UK, Norway iyo Finland oo tartanka martigelineysa waxaaana isla gegadan Prahä Kentaa lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo ay kasoo qayb galeen marti sharaf kala duwan iyadoo ay erayo kooban oo furitaan ahaa ay halkaasi ka jeediyeen madax isugu jirta Soomaali iyo Finish ay ka mid ahaayeen gudoonka Eurosom Maxamed Diini, Gudoomiyaha uruurka dhalinyarada magaalada Helsinki Marko Toivanen, Gudoonka KANAVA Cabdulqaadir Axmed Nuur  wasiirka Dhaqanka iyo Ciyaaraha Paavo Arhinmäki oo sheegay inuu ku faraxsanyahay in ciyaarahan lagu qabanayo magaalada Helsinki oo ah magaaladii uu ku dhashay isagoo intaa kadib si rasmi ah u furay ciyaaraha xagaaga.

Sidoo kale Waxaa xusid mudan inuu tartanka kasoo qayb galay fanaanka Cabdi Shire Jaamac Jooqle oo ah fanaan ay si aad ah u wada garanayso Soomaalidu isla markaana lagu tilmaami karo wadani Soomaaliyeed oo dadkii garoonka joogey ku madadaalinayay heeso isugu jirey wadani iyo jaceyl ay ka maqsuudeen.

Waxaana kulankii hore fooda isla galay kooxaha Kanava FC (Finland) Vs Muqdisho FC (UK) oo soo bandhigay ciyaar adag waxaana 1-0 ku adkaaday kooxda Muqdisho ee ka timid Ingiriiska oo ay dabcan guushani u ahayd bilow wanaagsan waxaana ku xigey kulankii 2-aad oo dhex maray kooxaha Gothenburg (Sweden) Vs Trondheim (Norway) oo labadii kooxood ee aanu soo sheegnay ku wehliya wareega A waxaana 2-1 ku adkaatay kooxda Gothenburg.

Beritoole waxaa sida lagu wado ciyaari doona kooxaha kujira Guruub B oo isu arki doona sidatan: Somali Youth FC (Norway) Vs W. Qaraabo (Denmark) oo yeelan doona ciyaarta hore oo bilaaban doonta 16:00 iyo kulanka 2-aad oo bilaaban doona 18:00 oo ay isku arki doonaan Al Hijra (UK) Vs Sukao FC (Norway).

Waxaana tartankan oo socda sanadkiisii 13-aad lana soo afjari doono 28-ka bishan ay gudiga abaabulku ii sheegeen inay sidoo kale kusoo dari doonaan ciyaaro kubadda kolayga ah iyo kuwo oroddo ah oo loogu talagalay dhalinyarada Soomaaliyeed.

SomaliSwiss  Helsinki

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: