Halkaan ka akhri
Wasiirka arimaha dibada dalka faransiiska Alan jobe oo haatan dalkiisa hoggaanka u haya  Ururka  G20 ayaa sheegay in wadamada xubnaha ka ah ururka ka codsadeen kana ogolaadeen in shir deg dega la qabto 25 bishaan kaa oo kaalmo deg dega loogu raadinayo shacabka Soomaaliyed ee abaaraha ka soo bara kacay ee ku qul qulaya magaalada muqdisho iyo wadamada deriska la ah soomaaliya.  Â
Sidoo kale  Alan jobe oo imminka ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa Caddeeyey  in shirkaan  uu shir gudoomin doono  gudoomiyaha hay’ada cuntada iyo beeraha (FAO) Qaramada Midoobay uga qaabilsan Jaak Dayuuf.  Â
Warku wuxuu intaa  ku daray in Shirkaan lagu wado in lagu qabto magaalada Roma 25 bishaan, waxaana  ka soo qeyb gelaya dowlado, ururo caalamiya iyo kuwa gobolka geeska ixo Bariga Afrika,  waxyaabaha laga hadli doono waxaa ka mid xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ka soo barakacay gobalada koofureed ee Soomaaliya kuna qul qulaya Muqdisho iyo wadamada deriska la ah Soomaaliya.
SomaliSwiss   Brussels
Filed under: Brussels BE |
You must be logged in to post a comment.