Advertisements

Ururka G20 oo shir deg deg ah ka yeelanaya sidii loo kaalmayn lahaa Soomaalida abaarta ku habsatay.

undefinedHalkaan ka akhri

Wasiirka arimaha dibada dalka faransiiska Alan jobe oo haatan dalkiisa hoggaanka u haya  Ururka  G20 ayaa sheegay  in wadamada xubnaha ka ah ururka ka codsadeen kana ogolaadeen in shir deg dega la qabto 25 bishaan kaa oo kaalmo deg dega loogu raadinayo shacabka Soomaaliyed ee abaaraha ka soo bara kacay ee ku qul qulaya magaalada muqdisho iyo wadamada deriska la ah soomaaliya.   

Sidoo kale  Alan jobe oo imminka ku sugan magaalada  Brussels ee dalka Belgium ayaa Caddeeyey  in shirkaan  uu shir gudoomin doono  gudoomiyaha hay’ada cuntada iyo beeraha  (FAO) Qaramada Midoobay uga qaabilsan  Jaak Dayuuf.   

Warku wuxuu intaa   ku daray in Shirkaan lagu wado in lagu qabto magaalada Roma 25 bishaan, waxaana  ka soo qeyb gelaya dowlado, ururo caalamiya iyo kuwa gobolka geeska ixo Bariga Afrika,   waxyaabaha laga hadli doono waxaa ka mid xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ka soo barakacay gobalada koofureed ee Soomaaliya kuna qul qulaya Muqdisho iyo wadamada deriska la ah Soomaaliya.

SomaliSwiss    Brussels

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: