Advertisements

Dagaal madaxtooyada Soomaaliya kudhex maray ciidamo kala taabacsan Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka.

undefinedHalkaan ka akhri

Dagaal xoogan ayaa dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaalya, gaar ahaan ilaalada labada Shariif, iyadoona weriyayaashii halkaasi ku sugnaa lagu amray inay isaga baxaan xerada dhexdeeda.

Is rasaaseynta labada ciidan ayaa la sheegayaa in ay ka dhalatay labada ciidan oo iyagu maalmahan laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn iyo diyaar garow dagaal, waxayna arrintaasi ku soo beegantay xilli loo fadhiyay in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub ee xukuumadda Ra’iisal Wasaare C/Weli Maxamed Cali.

Qasaaraha ka dhashay is rasaaseynta labada ciidan ayaa lasheegay in uu sii kordhayo marba marka ka dambeysa, iyadoo ay jiraan askar ka kala dhimatay labada dhinac iyo kuwa kale oo ka kala dhaawacmay.

Dagaalka markii uu xoogaa socday ayaa waxaa goobta soo gaaray kolonyo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM, kuwaasi oo iyagu kala dhex galay ciidamada is rasaaseynayay, isla markaana ku guuleystay in ay hakiyaan, waxaana xaaladu haatan ay tahay mid degan, wallow ay jiraan xiisado dagaal oo laga dareemayo labada ciidan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: