Halkaan ka akhri
Md. C/raxmaan Xaaji (Faroole) oo khudbad u jeedinayay guddiga madax bannaan ee doorashooyinka maamul goboleedkaasi waxa uu ka hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan shirka wada tashiga Soomaalida ee la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, wuxuuna C/raxmaan Faroole gaashaanka ku dhuftay in shirkaasi magaalada Muqdisho lagu qabto.
Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Puntland wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho xilligaan xaalada ka jirta aanay saamaxeynin shirweynaha wadatashiga ah inuu ka dhaco, waayo buu yiri Madaxweyne Faroole Dowladda dhul yar ayay ka talisaa, isagoona sheegay in magaalada Muqdisho dhulka ay Dowladdu maamusho uu aad u yar yahay.
Md. C/raxmaan Xaaji Maxamuud Faroole oo ka hadlayey arrintaas wuxuu yiri: “Muqdisho ma aha xilligii la wada joogay oo la isugu imaan jiray, kamana dhici karo shirka wada tashiga Soomaalida”, wuxuuna sheegay in shirka wada tashiga Soomaalida uu ka dhici karo magaalada Garowe oo ah meel ammaan ah.
C/raxmaan Maxamuud Faroole ayaa dhinaca kale si gaar ah ula hadlay dadka degan Puntland waxa uu ku booroyay inay iska iloobaan wixii hore u dhacay, isagoona caddeeyay in shaqsiyaad fara ku tiris ah aanay weli iloobin wixii horay u dhacay, isagoona kula taliyay reer Puntland inay ka qeyb qaataan nabadda.
Hase yeeshee hadalka Madaxweyne Faroole ayaa ku soo aadaya xilli qabanqaabo xoogan loogu jiro shirka wada tashiga Soomaalida oo abaabulkiisa ay hormuud ka yihiin guddi Soomaali ah oo ka kooban Dowladda iyo maamulada gobolada Puntland iyo Galmudug iyo waliba saraakiil ka tirsan xafiiska siyaasadda QM ee Soomaaliya.
Si kasta ha ahaatee dad badan ayaa fahansaneyn  ujeedada ka dambeysa hadalka ka soo yeeray  Madaxweyne C/raxmaan Faroole, balse taasi waxaa loo micnayn karaa dhowr nooc, waayo waxaa muuqda mid indhaha ka dabooshay amaba dhegaha ka dabooshay in shirka wada tashiga Soomaalida ay dusha u ridatay QM, isla markaana qabsoomidiisa ay ku bixineyso dhaqaalaha ku baxaya iyo waliba ammaanka wufuuda ka qeyb galeysa.
SomaliSwiss    Garoowe
Related articles
- Afhayeenka Al-Shabab oo beeniyay in dilkii Wasiirka Arimaha Gudaha ay u adeegsadeen Dumar. (somaliswisstv.com)
- Madaxweyne Shariif oo xalay shahaado iyo Billad Sharaf gudoonsiiyey ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya. (somaliswisstv.com)
- War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM oo lagu sheegay in si buuxda ula wareegeen guud ahaan degmada Boondheere. (somaliswisstv.com)
- Shir ay yeesheen golaha wasiirada dowladda KMG oo maanta loogu hadlay Arrimo la xiriira Abaaraha iyo Barakacayaasha. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
Filed under: Boosaaso |
You must be logged in to post a comment.