Halkaan ka akhri
R/wasaaree C/wali ayaa la dhutinayo sidii uu u magacaabi lahaa Golaha wasiirrada xukuumaddiisa, waxaana loo sababeynayaa inay lug ku leeyihiin lada Shariif, sidaas awgee u daahday magacaabista Xukuumadda Cusub, balse waxaa  maanta lagu wadaa  in lagu dhawaaqo, kaddib markii madaxda DKMG ah ay ka gudbaan muranno ku saabsan magacaabista golaha wasiirrada.
Waxaa la sheegayaa in Madaxweynaha Soomaaliya sh. Shariif Sheikh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa la sheegay in mid walba uu doonayey in xubno ku darsado golaha wasiirrada,bale uu raalli ka ahayn R/wasaaruhu.
Sida aan ka warqabno magacaabista golaha wasiirrada ayaa dhowr jeer dib u dhacay labadii todobaad ee lasoo dhaafay, kaddib markii Madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanku ay isku qabteen wasaarado ay u arkaan inay muhiim u yihiin.
Sidoo kale waxaa lagu soo warramay in Jagada wasaaradda maaliyadda ay ahayd midda muranka badan dhalisay oo si gaar ah u doonayey in loo dhaafay Shariif Xasan Sheikh Aadan iyadoo la sheegay in jagadaas uu doonayey in loo magacaabo nin ay aad isugu dhow yihiin.
War aannu ka helnay Madatooyada ayaa sheegaya in  Wasiiro ka tirsanaa golihii wasiirrada xukuumaddii Farmaajo ay waayi doonaan xilalkooda, kuwaasoo ay ka mid yihiin: wasiirka maaliyadda iyo lacagta, wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiiradda haweenka iyo arrimaha qoyska.
Hase yeshee warar ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Dr. C/weli Maxamed Cali uu si aad ah ugu wareeray khilaafka madaxda Dowladda KMG ah ee ku saabsan xubnaha ay ku yeelanayaan wasiirrada, balse waxaa  la sheegay inRa’iisul wasaare uu gaashaanka ku dhuftay in xubno hoggaamiye kooxeedyo ah ay ku soodarsadaan golaha wasiirrada, kuwaasoo uu watay Shariif Xasan.
Warar kale ayaa sheegaya in Hoggaamiye kooxeedyadii loo diiday inay ka mid noqdaan golaha wasiirrada ayaa wada abaabullo ku aaddan inay ka hortagaan in xildhibaannada baarlamaanka ay codka kalsoonida ah siiyaan xukuumadda lasoo magacaabayo.
Si kasta ha ahaatee Golaha wasiirrada cusub ayaa lagu wadaa inay noqdaan 23 ilaa 25 Wasiiro, kaddib markii ay codsadeen labada Shariif in la kordhiyo wasirrada si loo qanciyo qaar ka mid ah qabaa’ilka Soomaalida.
SomaliSwiss    Muqdisho
Related articles
- Madaxweyne Shariif oo xalay shahaado iyo Billad Sharaf gudoonsiiyey ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya. (somaliswisstv.com)
- Afhayeenka Al-Shabab oo beeniyay in dilkii Wasiirka Arimaha Gudaha ay u adeegsadeen Dumar. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Shir ay yeesheen golaha wasiirada dowladda KMG oo maanta loogu hadlay Arrimo la xiriira Abaaraha iyo Barakacayaasha. (somaliswisstv.com)
- Mahiiga oo sheegay in Qaramada Midoobay ay soo dhaweynayso magacaabista R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya (somaliswisstv.com)
- War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM oo lagu sheegay in si buuxda ula wareegeen guud ahaan degmada Boondheere. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.