Advertisements

Ma run-baa in maanta lagu dhawaaqayo Golaha Wasiirrada, mise wali waxaa jira khilaafkii u dhexeeyay Madaxda Dowladda KMG ah.

undefinedHalkaan ka akhri

R/wasaaree C/wali ayaa la dhutinayo sidii uu u magacaabi lahaa Golaha wasiirrada xukuumaddiisa, waxaana loo sababeynayaa inay lug ku leeyihiin lada Shariif, sidaas awgee u daahday magacaabista Xukuumadda Cusub, balse waxaa  maanta lagu wadaa  in lagu dhawaaqo, kaddib markii madaxda DKMG ah ay ka gudbaan muranno ku saabsan magacaabista golaha wasiirrada.

Waxaa la sheegayaa  in Madaxweynaha Soomaaliya sh.  Shariif Sheikh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa la sheegay in mid walba uu doonayey in xubno ku darsado golaha wasiirrada,bale uu raalli ka ahayn R/wasaaruhu.

Sida aan ka warqabno magacaabista golaha wasiirrada ayaa dhowr jeer dib u dhacay labadii todobaad ee lasoo dhaafay, kaddib markii Madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanku ay isku qabteen wasaarado ay u arkaan inay muhiim u yihiin.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramay in Jagada wasaaradda maaliyadda ay ahayd midda muranka badan dhalisay oo si gaar ah u doonayey in loo dhaafay Shariif Xasan Sheikh Aadan iyadoo la sheegay in jagadaas uu doonayey in loo  magacaabo nin ay aad isugu dhow yihiin.

War aannu ka helnay Madatooyada ayaa sheegaya in  Wasiiro ka tirsanaa golihii wasiirrada xukuumaddii Farmaajo ay waayi doonaan xilalkooda, kuwaasoo ay ka mid yihiin: wasiirka maaliyadda iyo lacagta, wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiiradda haweenka iyo arrimaha qoyska.

Hase yeshee warar ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Dr. C/weli Maxamed Cali uu si aad ah ugu wareeray khilaafka madaxda Dowladda KMG ah ee ku saabsan xubnaha ay ku yeelanayaan wasiirrada, balse waxaa  la sheegay inRa’iisul wasaare uu gaashaanka ku dhuftay in xubno hoggaamiye kooxeedyo ah ay ku soodarsadaan golaha wasiirrada, kuwaasoo uu watay Shariif Xasan.

Warar kale ayaa sheegaya in Hoggaamiye kooxeedyadii loo diiday inay ka mid noqdaan golaha wasiirrada ayaa wada abaabullo ku aaddan inay ka hortagaan in xildhibaannada baarlamaanka ay codka kalsoonida ah siiyaan xukuumadda lasoo magacaabayo.

Si kasta ha ahaatee Golaha wasiirrada cusub ayaa lagu wadaa inay noqdaan 23 ilaa 25 Wasiiro, kaddib markii ay codsadeen labada Shariif in la kordhiyo wasirrada si loo qanciyo qaar ka mid ah qabaa’ilka Soomaalida.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: