Halkaan ka akhri
Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya ayaa u mahad celisay dowladda ka qayb qaatay gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaarta saameysay iyadoo dhica kale ugu baaqday hay’ada caalamka iyo dadka Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan gurmadka.
Mudane C/kariin Xasam Jaamac oo lahadlayey  Warbaahinta Muqdisho ayaa wuxuu ugu horeyn u mahad celiyey Hay,adaha gurmadka u fidiyey dadka Soomaaliyeed ee ku soo barakacay gudaha magaalada Muqdisho iyo sidoo kale Dowladaha Yabooha dhaqaale u sameeyey Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Qaxootiga ee dalalka deriska.
Sidoo kale Mudane C/kariim ayaa tilmaamay in ay u mahad celineyso dowladdiisa dowladdaha Mareykanka, Igariiska, Jarmalka, Kanada, Taliyaaniga iyo hay’ada Qadar Jarjed oo dhamaantood ka qayb qaatay gurmadka dadka Soomaalieed loo fidinayo, isagoo xusay in dhibaatada ay tahay mid aad u balaaran islamarkaana aanu dowladda kaligeed wax ka qaban karin.
Ugu anbeyntii Wasiirka wuxuu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee wax haysta iyo hay’ada kale ee caalamka ka jira in ay ka qayb qaataan gurmadka ay wado dowladda Soomaaliya oo garab ka heleysa dowladdo kale oo saaxiibo ay yihiin, waxa intaa raaciyay in ay iga dhankooda wadi doonaan dadaalk ay haatan wadaan inta laga baxayo abaarta dalka ku dhufatay.
SomaliSwiss    Muqdisho
Related articles
- Mahiiga oo sheegay in Qaramada Midoobay ay soo dhaweynayso magacaabista R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya (somaliswisstv.com)
- WAR DEG DEG AH: Ra’isal wasaare Farmaajo oo daqiiqado ka hor la hadlay umadda Soomaaliyeed. (somaliswisstv.com)
- Madaxweyne Shariif oo xalay shahaado iyo Billad Sharaf gudoonsiiyey ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya. (somaliswisstv.com)
- Shir ay yeesheen golaha wasiirada dowladda KMG oo maanta loogu hadlay Arrimo la xiriira Abaaraha iyo Barakacayaasha. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Afhayeenka Al-Shabab oo beeniyay in dilkii Wasiirka Arimaha Gudaha ay u adeegsadeen Dumar. (somaliswisstv.com)
- War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM oo lagu sheegay in si buuxda ula wareegeen guud ahaan degmada Boondheere. (somaliswisstv.com)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.