Advertisements

Wafdi uu hoggaaminayo xoghayaha arrimaha dibadda dowladda Ingiriiska oo booqday xeryaha qaxootiga Soomaalida ee dalka Kenya.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Mr. Andrew Mitcheal oo ah Xoghayaha arrimaha dibadda u qaabilsan dowladda Ingiriiska wadamada Afrika iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku tegay xeryaha qaxootiga Soomaalida ay ku jiraan ee dalka Kenya, wuxuuna Xoghayaha wareysiyo kala duwan la yeeshay dad ka soo barakacay gudaha dalka Soomaaliya, kuwaasi oo gaaray xeryaha xaqootiga dalka Kenya ee Dhadhaab, wuxuuna ka wareystay xaalada ay ku sugan yihiin, qaabka ay halkaas ku gaareen iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay la kulmeen.

Sidoo kale Mr. Anrew Mitcheal ayaa dadka Soomaaliyeed ee ka cararay abaaraha  ka jira wadanka Soomaaliya ugu jawaabay  su’aalihii uu weydiiyay, waxayna dadkaasi qaarkood ay ahaayeen dad xaaladoodu aad u liidato, kuwaas oo  xeryahaas  ku gaareen qaabab kala duwan.

 Xoghayaha arrimaha dibadda u qaabilsan dowladda Ingiriiska wadamada Afrika Mr. Andrew Mitcheal ayaa Warbaahinta caalamiga ah uga warbixiyay xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ka soo cararay abaaraha ku dhuftay dalka, kuwaasi oo uu sheegay inay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, isagoo sheegay inay kaalmo degdeg ah la soo gaarayaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Hase yeeshee  Mr. Andrew Mitcheal ayaa sidoo kale sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhaya dadka imaanaya xeryahaasi, wuxuuna sheegay in madaxda Dowladda Kenya uu kala hadli doono sidii loo caawin lahaa dadkaas  isla markaana xerooyin cusub loogu sameyn lahaa.

SomaliSwiss        Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: